Soonka Iyo Sixada (18): Da’dee Aynu Ubadka Ugu Ogolaan Karnaa In Ay Soomaan

44
2886

 

Hargeysa (Geeska)- Carruurt waxa uu waalidku bisha soon aad isu weydiiyaa da’da ugu habboon ee uu ilmihiisa soonka u ogolaan karo, oo aanu wax dhaawac ah caafimaadkiisa ku keenayn. Waxaa arrintan sii xoojiya carruurta oo si aad ah u xiiseeya in ay dadka waaweyn kaga dayda soonka, sidaa awgeedna waalidka aad ugu soo celceliya in isagana soonku loo ogolaaday.

Qormadan waxa aynu ku eegaynaa da’da ilmaha loogu ogolaan karo soonka, noocayada cunto ee suxuurta iyo afur ee ku habboon ilmaha sooman, marka ay tahay in ilmaha soonka laga jebiy:

Da’da ku habboon

Caadi ahaan qoyska, gaar ahaan waalidka ayaa ah cidda ugu habboon ee sheegi karta da’da ku habboon in ilmahoodu uu soonka bilaabo, iyaga oo eegaya awoodaha iyo adkaysiga ay ilmaha ku ogyihiin iyo xaaladdiisa caafimaad. Sida oo kale waalidku marka uu go’aansado in ilmahoodu soomo waxaa waajib ku noqonaysa in ay dejiyaan nidaam soon oo ay ilmaha kaga caawinayaan in uu soonkaas si dhib la’aan ah ku qaato.

Iyada oo ay sidaas tahay, haddana waxaa jira tilmaamo guud iyo talooyin la xidhiidha soonka ilmaha oo ay tahay in waalidka laftiisuna ka shidaal qaato. Waxaa ugu horreeya da’da ay si guud dhakhaatiirtu aaminsan yihiin in ay ilmaha soonkooda ku habboon tahay.

– Waxa ay dhakhaatiirtu ku talinayaan in ilmaha aan loo ogolaan soonka inta ka horreysa toban jirkiisa. Ilmuhu haddii uu 10 sano gaadho, duruufaha ku xeeranna yihiin kuwo saamaxaya. Sida oo kale waalidku waxa uu ilmaha u dejinayaa nidaamka iyo tallaabooyinka ku habboon ee ka caawin kara u adkaysiga soonka.

– Soonku kuma xidhna da’da oo keliya, balse waxa kale oo aan waalidka looga maarmayn in uu qiyaasi karo xaaladda caafimaad iyo xaaladda nafsiga ah ee ilmaha, weliba waa ay fiican tahay in waalidka jecel in ilmihiisu soomaa uu marka hore la tashado dhakhtar carruureed oo baadhis guud ku sameeya, si uu u xaqiijiyo awoodda uu soonka u leeyahay.

Xaaladaha aan Soonka loo ogolayn:

  1. Ilmaha ka yar 10 jir, looma ogola soonka, maadaama oo ay dhakhaatiirtu sheegeen in uu raad xun ku yeelan karo habsami u koritaankii ilmaha; gaar ahaan miisaankiisa iyo korniinka dhererkiisa.
  2. Ilmaha leh xanuun gaar ah, sida dhiig yaraan, macaanka carruurta ku dhaca, miisaan yaraan, ama cunto xumo lagu ogyahay oo laga cabsi qabo in saacadaha habeenkii uu cuni waayo cunto ku filan.

Talooyinka ku habboon ilmaha sooman – Afurka:

Qoyska ilmaha soomaya waxaa waajib ku ah in ay u kala habeeyaan noocyada iyo waqtiyada ku kala habboon cuntooyinka uu cunayo iyaga oo xoogga saaraya in uu cuno cuntada baahidiisa nafaqo buuxinaysa. Talooyinka ku habboon afurka waxaa ka mid ah:

  1. Ilmaha afurka waa in ugu horreynta la siiyo laba xabbo oo timir ah, ama koob cabbitaan miiran ah iyo shurbadda.
  2. Waa in la siiyo biyo laakiin laga ilaaliyo in uu hal mar biyo aad u badan wada cabbo. Waa muhiim in ilmuhu uu soo ceshado dareerihii uu soonka maalinnimo ku waayey.
  3. Ilmaha ka ilaali cuntada ay ku badan yihiin milixda, xawaashyada iyo busbaasku. Cuntooyinkani waxa ay kordhiyaan harraadka, sidaa awgeed waxa ay ku keeni karaan in maalintii uu aad u harraado.
  4. Macmacaanka dufanka leh, macaanka khudradda iyo bariiska caanaha leh, dhammaantood waxa ay hodan ku yihiin faytamiinnada iyo macdanaha lama huraanka u ah koritaanka ilmaha.
  5. Ka dheeree cuntooyinka shiilan, iyo cuntooyinka dufanku ku badan yahay, waayo waxa ay ku cuslaanayaan caloosha, waxa aanay ku keeni karaan dheefshiidka oo shiidi kari waaya.

Talooyinka ku habboon ilmaha sooman – Suxuurta:

  1. Waa in suxuurta aad dib loogu dhigo, oo la soo gaadhsiiyo xilliga ugu dambeeya ee la ogol yahay. Taasi waxa ay ilmaha ka caawin kartaa in uu soonka maalintii u adkaysto.
  2. Cuntada suxuurtu ha noqoto mid ay ku jiraan dhammaan noocyada nafaqo ee ilmuhu u baahan yahay, gaar ahaan kalshiyaamta.
  3. Ilmaha ha lagu suxuuriyo cuntooyinka hodanka ku ah barootiinta, sida beedka, caanaha, caano fadhiga, cuntada galka leh ee dheefshiidku shiidisteeda ku raago iwm.
  4. Ha ku suxuurin cunto shiilan ama dufan badan leh.
  5. Ka ilaali cuntada milixda badan, khalalka dhanaan iyo busbuaaska leh.
  6. Inta suxuurta iyo afurka u dhexeysa ilmuhu ha cabbo biyo badan oo ku filan jidhkiisa.

Xaaladaha ay tahay in ilmaha soonka laga jebiyo:

Waa ay dhakhaatiirtu ku talinayaan in ilmaha sooman si dhaqso ah soonka looga jebiyo haddii lagu arko:

  1. Ilmaha oo laga dareemo daal, kala daadsanaan iyo xaalad ay ka muuqato in aanu si iwadi karin soonka.
  2. Ilmaha oo lagu arko xaalad aan caadi ahayn, sida shuban badan, dawakhaad iwm.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here