Soonka Iyo Sixada (15): Faa’idooyinka Khudraddu U Leedahay Caafimaadka Wadnaha Iyo Sambabada

0
716

Washington (Geeska)- Cilmibaadhis cusub ayaa daahfurtay in qofka oo joogteeya isticmaalka khudradda noocyadeeda kala duwani ay yarayso khatarta ah in in ay ku dhacaan xanuunnada la xidhiidha xididdada dhiigga oo saamayn ku yeesha qulqulka dhiiggu uu ku gaadhayo dhudhumada lugaha.

Cilmibaadhistan intii la waday waxaa la ogaaday in dadka khudradda cuna ugu yaraan saddex jeer iyo ka badan maalin kasta ay boqolkiiba 18 hoos u dhacdo cabsida laga qabo in ay ku dhacdo xaaladda caafimaad ee loo yaqaanno adkaanta sambabada, marka la is barbar dhigo dadka khudradda ay cunaan ka yar tahay xaddiga aynu xusnay.

Cilmibaadhistan uu Geeska Afrika turjumay oo lagu faafiyey bogga caafimaadka ka faallooda ee Bold Sky ayaa tijaabadeeda alga qaaday 3 Milyan iyo 7 boqol oo ruux oo celceliska da’doodu yahay 64 sano, kuwaas oo boqolkiiba 6.3 ka mid ahi ay ka cabanayeen nafaqo darro, halka boqolkiiba 29.2 ka mid ahina ay maalin kasta saddex jeer ka cunayeen khudrad.

Dr. Jeffrey Berger oo bare-sare ka ah kuliyadda caafimaadka ee jaamacadda New York, ayaa xoojiyey in khudrad dheeraad ah oo qofku uu ku soo daro nidaamkiisa cunto ay saamayn taban oo weyn ku yaalanayso caafimaadkiisa, ka-hortagna u noqonayso cudurrada ku dhaca wadnaha iyo halbawlayaasha dhiigga.

Intii cilmibaadhistan tijaabooyinkeeda la waday waxa kale oo soo baxday in uu jiro xidhiidh ka dhexeeya hoos-u-dhaca dufanka dhiigga raaca (Kalastarool) iyo kor u kaca isticmaalka khudradaha, gaar ahaan dadka sigaar nuugga ahaan jiray ama weli ahaa.

Cilmibaadhis horena waxa ay caddaysay in hoos u dhaca isticmaalka khudraddu uu fursad siiyo xanuunnada ku dhaca wadnaha iyo xididdada dhiigga iyo sida oo kale faaligga maskaxda.