Soonka Iyo Sixada (14): Madax Xanuunka Dhanjafka Ah Iyo Soonka, Sida Loola Tacaali Karo Iyo Ka Hortagga Fiican

0
2038

Hargeysa (Geeska)- Madax xanuunku waxa uu ka mid yahay xaaladaha caafimaad ee dunida oo dhan ku faafsan, looguna cabashada badan yahay. Laakiin ma’aha xaalad ku timaadda sabab keliya, oo waxa ay culimada caafimaadku sheegeen in ay jiraan sababo aad u tiro badan oo madax xanuunka keeni kara. Xaaladahaas oo kala khatar badan waxaa ka mid ah dhanjafka.

Xilliga soonka waxaa aad u bata madax xanuunka, oo si gaar ah uu ugu sii khatar badan yahay Dhanjafku. Waxa aynu qormadan ku eegaynaa sida ay isu qaadi karaan dhanjafka iyo soonku, waxa aana aynu ku eegaynaa sida ugu habboon ee ruuxa xanuunkan lihi ula noolaan karo inta lagu jiro bisha soonka; maxaa ay tahay in uu ka dheeraado? Maxaa uu samayn karaa oo aanay dhibi ku jirin. Ma jiraan calaamado haddii qofka xanuunkan leh ee sooman lagu arko ay qasab noqonayso in uu soonka joojiyo?

– Dhanjafku ma’aha madax xanuun caadiya, dhibaatooyinka uu leeyahay waxaa ka mid ah in aanu madaxu si isku mid ah qofka u xanuunin, balse uu yeesho darbado iyo garaac aanu u dulqaadan karin, laakiin aan inta badan xidhiidh ahayn. Haddaba haddii qofka xanuunkan lihi arko in uu xakamayn karo garaacaas iyo nabarkaas oo uu adkaysi u leeyahay, waa uu soomi karaa. Haddii kale waxaa qasab ah in uu dhakhtar la tashado inta aanu soomin.

– Bukaanka isku arka in nabarkaas / darbaddaas dhanjafku ku badan yahay, oo weliba qaab aan nidaamsanayn oo joogto ah u soo noqnoqonayo waxaa fiican in aanu soomin, haddii aanu dhakhtarku u fasaxin.

– Madax xanuunka Firdha: Waxaa jira nooc ka mid ah dhanjafka oo afka ingiriisiga lagu yidhaahdo, ‘Cluster Headache (CH). Waa cillad iyo khalkhal neerfeed keenta darbado / nabarro madax xanuun aan kala joogsanayn oo ku dhaca dhinac ka mid ah madaxa, gaar ahaan meelaha ku beegan isha hareeraheeda oo dhinaca madaxa xigta. Calaamadaha lagu arko waxaa ka mid ah indhaha oo ilmeeya, sanka oo xidhma iyo mararka qaarkood isha hareeraheeda oo barar lagu arko. Xanuunkan oo lagu qiyaas ah boqolkiiba 0.2 ka mid ah dadka dunida ku dhaqan. Ragga ayaanu kaga badan yahay dumarka. Xanuunkan illaa hadda sababtiisa runta ah lama hayo. Qofka uu ku dhacana waxa uu hayn karaa saacado, maalmo illaa sannadna waa ay dhici kartaa in uu jiro.

Waxa ay dhakhaatiirtu ku talinayaan in qofka sooman ee isku arka xaaladdan madax xanuun, ama dhanjaf uu joojiyo soonka, lana xidhiidho dhakhtar.

Dhanjafka iyo afurka

Qofka dhanjafku hayo ee soomanaa, waxaa lagula talinayaa in uu afurka kaddib cabbo ugu yaraa 8 illaa 12 koob oo biyo ah. ma’aha in uu mar keliya wada cabbo si aanu u dhargin ama aanay nafsaddu u diidin, laakiin si taxane ah ha u wado inta uu tiradaas gaadhsiinayo; Iska jir biyaha ama cuntada barafka ah, jallaatada (Iskiriinka), shaglaydhka (Jokolaate), caano fadhiga (Cheese) iyo cuntada dufanka badan leh, oo dhammaantood ka mid ah cuntooyinka sii badiya dhanjafka iyo guud ahaan madax xanuunka daran; Nidaami xilliyada cuntada aad cunayso, waxa aanad ogaataa in nidaaminta waqtiyada la cunayo cuntooyinka muhiimka ah sida cashada iyo suxuurta xilliga soonka, ama quraacda, qadada iyo cashada xilliga aan la soomayn ay aad muhiim ugu tahay caafimaadka, kana mid tahay arrimaha ka hortegi kara madax xanuunka.

Iska yaree cunista xawaashyada kulul, busbaaska iyo milixda badan; Yaree cunista macmacaanka, xalawadaha iyo cuntooyinka dufanku ku badan yahay; – Ka fogow cabbitaannada iyo cuntooyinka ay ku jirto maadadda Caffeine; Iska ilaali qorraxda badan iyo in aad xilliga maalintii samayso jimicsi jidheed ama ciyaarto; Jooji nuugista sigaarka iyo shiishadda (Badeecadda); Afurka kaddib samee dhaqdhaqaaq iyo jimicsi aad joogtayso. Ogow in taraawiixda oo aad tukataa ay kuu noqon karto jimicsi jidheed oo waqtigii ku habboonaa ah.

Dhanjakfka iyo suxuurta

Qofka qaba xanuunka dhanjafka ee soomaya waxaa muhiim ah in talooyinkan uu u maro suxuurta:

Biyo jidhka ku filan cab, suxuurta intii suurtagal ah dib u dhig, inta aanu waqtiga afxidhku bilaabmin cun dawada laguugu qoray xanuunkan, iska jir in aad ku suxuurato sharaabka warshadaysan, iyo cabbitaannada leh Caffeine ta. Iska jir milixda iyo sonkorta xitaa haddii ay yar tahay. Ka fogow cuntooyinka dhanjafka kiciya ee ay ka midka yihiin kuwa aynu kor ku soo sheegnay; Xilliga suxuurta cun cuntooyinka dheregga qofka u ilaaliya, sida cuntada leh barootiinta, cuntooyinka leh Bootaasiyamta (Pottasium) sida timirta, iyo Faytamiin ‘B’ si aanad maalinnimada u arag gaajo laga yaabo in ay dhanjafka kugu kiciso.

Soonka jebi

Qofka dhanjafka leh ee soomani, haddii uu arko nabarrada / darbadaha madax xanuun ee ku dhacayaa in ay sii kordhayaan, oo u adkaysigoodu adkaaday, waxaa lagula talinayaa in uu soonka ka joogsado. Sida oo kale haddii uu isku arko xaalado wehelinaya dhanjafkii, sida shuban iyo / ama matag, waxaa fiican in uu soonka joojiyo, dhaqsana uu dhakhtar ugu tago.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here