Soonka Iyo Sixada (10): Muhiimadda Afurka Iyo Suxuurtu U Leeyihiin Caafimaadka Qofka Sooman Iyo Faa’iidada Timirta

30
4075

Hargeysa (Geeska)- Bare-sare Nikolaev Belloy ayaa buuggiisa ‘U gaajoodka caafimaadka’ ku sheegaya in qof kasta oo bani’adam ah ay dantiisa caafimaad tahay in uu sannadkii hal mar oo illaa Afar toddobaad ah cuntada ka soomo. Taas oo uu sheegay in ay sabab u noqon karto in uu noloshiisa caafimaad ku dhammaysto.

Muhiimadda Afurka iyo suxuurta

Cilmibaadhisaha caafimaadku waxa ay adkeeyeen muhiimadda ay caafimaad ahaan jidhka u leeyihiin labada cunto ee afurka iyo suxuurta. Waxa aana faa’iidooyinkaas ka mid ah in jidhku uu ka helo asiidhka duxeed ee Amino, kaas oo haddii uu jidhku waayo ay dhacayso in dufanka jidhka ku jiraa uu si aad u ballaadhan u dhalaalo / dareere u noqdo, waxa aana ka dhasha beer xanuun, gaadhsiisan illaa heer beerku hawlgab noqdo iyo in dhaawac caafimaad oo weyni jidhka soo gaadho. Marka uu qofku maalinta oo dhan af xidhnaa waxaa fiican in uu sida ugu dhaqsaha badan u afuro, kana fikiro caafimaadka cuntooyinka uu ku afurayo, sida oo kale waxa muhiim ah in aanu qofku suxuurta ka tegin, oo weliba uu goor dambe suxuurto.

Timirta iyo afurka

Nebi Muxammed (SCW) waxa uu ku afuri jiray timir. Markii ay dhakhaatiirta casrigani baadheen muhiimadda timirtana waxaa u soo baxday. In jidhka oo maalin dheer cuntada ka qatanaa waxa ugu horreeya uu marka afurka la gaadho u baahan yahay uu yahay cunto macaankiisa hoos u dhacay kor u soo kicisa. Waxa kale oo uu u baahan yahay in cuntada caloosha gelaysaa aanay noqon mid shiidisteedu ay ku adkaato dheefshiidka, taasina ay caqabad ku noqoto dheefsigii cuntadaas iyo faa’iidadii jidhku ka heli lahaa. Labadaas arrimoodba waxaa buuxinaysa timirta oo awood u leh in macaankeeda dabiiciga ahi uu qofka dareensiiyo dhereg, iyo in uu si dhaqso ah jidhka ugu milmo si uu u caawiyo macaanka qofka, jidhkana daqiiqado gudahood ku siiyo tamar iyo firfircooni.

Haddii qofku cunt oculus oo sida hilib, khubus ama xitaa khudrad ay dheefshiidka muddo ku qaadanayso in uu shiido oo qayb ka mid ah ka dhigo sonkor, si uu qofku u dareemo dhereg. Waana sababta keenaysa in haddii uu qofku cuntooyinkaas culus ku bilaabo uu hore u dhergi waayo, oo sidaas cunto badan ku cuno. Miisaankiisuna xilliga ramadaanka kor u sii kaco, halkii ay ahayd in uu hoos u dhaco.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here