Soonka Iyo Sixada (1): Cunista Badan Ee Hilibka Xooluhu Waxa Ay Keeni Kartaa Wadne Xanuun, Kansark Iyo Macaan

0
756

Washington (Geeska)- Cilmibaadhis cusub oo lagu sameeyey dalka Maraykanka ayaa daahfurtay in hilibka xoolaha oo cunistiisa la isku badiyaa ay kor u qaado khatarta ah in qofka ay ku dhacaan siddeed cudur oo dilaa ah.

Haddaba, maadaama oo xilliga soonka ay dad badan caado u leeyihiin in ay habeenkii cunaan cuntooyin badan oo uu ku jiro hilib xoolaad oo noocyo kala duwan u samaysan, qormadan caafimaad oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Al-Carabiya waxa aynu ku soo qaadanaynaa khatarta caafimaad darro ee ku ladhan cunista badan ee hilibka.

Waxa ay khubaradu ka digeen in siddeeda cudur oo ay ka mid yihiin Kansarka, Macaanka iyo wadne xanuunka, sababaha keena ay ka mid tahay cunista badan ee hilibka xoolaha. Daraasad lagu sameeyey warbixinaha caafimaad ee 537 kun oo qof oo da’doodu u dhexeyso 51 illaa 71 sano, ayaa lagu ogaaday in dadka aad u cuna hilibka xoolaha ay boqolkiiba 266 xaaladaha caafimaad darro ee sababa geerida kaga badan yihiin dadka la midka ah ee iyagu cunista hilibka yaraysta.

Joornaalka ka faallooda arrimaha caafimaadka ee British Medical Journal – The BMJ ayaa warbixin uu arrintan ka qoray ku sheegay in dadka aad u cuna hilibka digaagga iyo kalluunku (Hilibka cad) ay boqolkiiba 25 ku yar tahay khatarta ah in ay ku dhacaan cudurrada dilaaga ah ee lagu arko dadka la midka ah ee iyagu aad u cuna hilibka xoolaha.

Waxa ay khubaradu sheegeen in baadhitaanno hore loogu caddeeyey warbixinno ka soo baxay Maxadka Qaranka ee la dagaallanka Kansarka ee dalka Maraykanka in lagu ogaaday in uu jiro xidhiidh ka dhexeeya hilibka xoolaha iyo cudurrada dhimashada deg-degga ah keena.