Soonka Hortii: Talooyinka Caafimaad Ee Dadka Qaba Cudurka Macaanka, Soonka Ka Hor Iyo Muddada Soonka

32
3844

Hargeysa (Geeska) Cudurka macaanku waxa uu ka mid yahay xanuunnada aanay aad isu qaadan soonka, sidaa awgeed qof kasta oo macaan leh waxaa waajib ku ah inta aanu soomin ama waajibaadka soonka sabab la’aan isaga deynin, in uu la tashado dhakhtar caafimaad oo takhasus ah qiimayn buuxdana caafimaadkiisa ku sameeya. Haddii in uu soomo ay noqoto, haddana waxaa talo caafimaad uga baahan cuntooyinka uu cunayo, gaar ahaan kuwa macaanka ah, iyo illaa xadka ay tahay in uu cuno si looga taxaddaro in macaanku kor u kaco iyo xitaa in uu si kedis ah hoos ugu dhaco.

Dr. Manaal Muslim oo ku xeeldheer nafaqaynta iyo cuntada bukaanka macaanka ayaa talooyin muhiim ah u jeedisay dadka qaba macaanka, xilligan oo ay maalmo koobani innaga xigaan bisha barakaysan ee soonqaad. Ugu horreyn waa in qofka macaanka qabaa soon hortii u tago dhakhtar takhasusu ah, si uu u sugo heerarka macaankiisu gaadho, ugana eego in uu soonku khatar caafimaad ku keeni karo.

Dr. Manaal oo ka tirsan xarunta caafimaadka ee Xamad oo ku taalla dalka Qatar ayaa warmurtiyeed ay soo saartay oo Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Aljazeera waxa ay ku sheegtay in dadka qaba cudurka macaanka noociisa koowaad, ee joogtada u qaata dawada Insulin ta, gaar ahaan kuwa qaba cabasho dhinaca wadnaha ama keliyaha ah, iyo dumarka uurka leh ee macaanka qaba, waxaa dhammaantood lagula talinayaa in aanay soomin, si looga dheeraado in xaaladdoodu khatar ugu sii dhaadhacdo.

Dadka qaba cudurka Macaanka noociisa labaad, waa ay soomi karaan, waxa se waajib ah in ay tallaabooyin taxaddar ah qaadaan soonka ka hor; waxaa ka mid ah in ay inta aanay bisha soon bilaaban dhakhtarka u tagaan, oo weliba waqti fiican uu siiyo dhakhtarku si uu u hubiyo heerarka celcelis ahaan macaankiisu gaadho, xilliga dheregga, xilliga gaajada, xilliga kulaylka iwm. Iyo sida oo kale in uu dhakhtarku eego nidaamka ugu habboon ee dawada macaanka loo qaadan karo muddada bisha soon lagu jiro, maadaama oo ay saacaduhu isbeddelayaan.

Dadka macaanka qaba ee loo ogolaado in ay soomaan, waxaa muhiim u ah in ay suxuurta dib dhigaan, waqtiyada u dhexeeya afurka iyo suxuurtana ay biyo aad u badan cabbaan, si ay uga hortagaan in jidhkoodu maalinnimada ingago, gaar ahaan xilliyadan kulaylaha oo jidh ingaggu dadka oo dhan ku dhaco. Sida oo kale biyuhu waxa ay ilaalinayaan shaqada keliyaha, waxa aanay ka hortagayaan in ay daciifaan.

Dadka Macaanka qaba ee soonka loo fasaxaa waa in ay guriga ku haystaan ama meeldhow ka gaadhi karaan mishiinka cabbirka macaanka, waxa aana qasab ah in dhowr jeer oo maalintii ah uu marar kala duwan cabbiro macaankiisa, gaar ahaan maalmaha hore ee bisha soonka,  iyo mar kasta oo uu dareemo in macaankiisu hoos u dhacay. Waxa kale oo waajib ku ah qofka macaanka qaba ee sooman, in uu seexdo saacadaha afurka ku dhow ee soonka.

Qofka macaanka qaba ee soomani waa in uu bisha soon dhowr jeer dhakhtarka u tago, si loo hubiyo xaalkiisa, la qabsiga dawada, maadaama oo waqtigii hore is beddelay, iwm.

Qofka qaba macaanka ee soomayaa waa in uu dhiiggiisa ku ilaaliyo inta celcelis ahaan saxda ah, oo aanu dhayalsan haddii uu dhiiggiisu ka sarreeyo intaas oo ah, inta u dhexeysa 80 illaa 180 mlg/dsl, afurka kaddib.

Qofka macaanka qaba ee soomayaa waa in uu aad isaga yareeyo cabbista shaaha, bunka iyo cabbitaannada jidhka firfircoonida geliya, sababtuna waa maadadda ku jirta ee ‘Caffeine’ oo kaadida badisa, haddii qofka soomani kaadi badan yeeshana waxa ay keenaysaa in dareeraha jidhka ku jiraa yaraado, taas oo iyaduna keenaysa in macaanku hoos u dhaco. Waxaa kale oo iyaduna muhiim ah in qofka soomani iska ilaaliyo jimicsiga maalintii, si uu isaga dhowro in macaankiisu hoos u dhaco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here