“Soomaaliya, Weligeed Kuma Tiirsanaan Doonto Ciidamo Shisheeye, Waa Inay Dawladu La Wareegtaa Ammaanka Dalkeeda”

0
1025

Hargeysa(Geeska/W.Wararka)-Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in wixii hadda ka danbeeya ciidamada dowladda Soomaaliya awood u leeyihiin difaaca dalkooda.

isaga oo ka hadlayay howlgalka AMISOM iyo  suurtagalnimada in ay ka bixin karaan xiligan dalka Soomaaliya ayuu sheegay in dedaal dheeraad ah la galiyay sidii loo dhisi lahaa ciidamada dowladda, haddii ay ahaan lahaayeen Militari iyo Booliis intaba, isaga oo sheegay in la dardar galiyo ka bixxintaan ciidamada AMISOM. ”AMISOM iyo dowladdaha kale ee saaxiibada la ah Soomaaliya waxaa ay dadaal u galleen sidii loo dhisi lahaa ciidamada Soomaaliya, hadda waxaa muuqata in ay karaan oo ay awood u leeyihiin difaaca dalkooda, waayo waxa la dagaalamaya dowladdo ma’aha oo diyaarado iyo gantaalo sita” ayuu yidhi madaxweyne Geelle.

Waxaa uu tilmaamay in loo baahan yahay iskutashi ballaaran oo ku aadan ciidanada dowladda Soomalida ay hantaan Ammaanka dalkooda, “Waxaan isleeyahay waa wakhtigii ay dawladda Soomaaliya la dhiibi lahaa masuuliyadda, dalku weligii kuma tiirsanaan doono ciidamo shisheeye oo dalal shisheeye ka socda.”

Djibouti ayaa ah dalka ay ciidamada ugu yari ka joogaan AMISOM, waxaanu Madaxweyne Geele aaminsanyahay in la soo dedejiyo qorshaha ka bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here