Soomaaliya Oo Xafiiska UNSOM Ku Eedaysay Inuu Dab Ku Sii Shidayo Xaaladda Siyaasadeed Ee Muqdisho

27
2816

Newyork(Geeska/W.Wararka)-Dawladda Soomaaliya ayaa Qaramada Midoobay, gaar ahaan xafiiska UNSOM ku eedaysay inuu qalalaase gelinayo siyaasadda Soomaaliya islamarkaana uu warbixino aan sax ahayn ka gudbiyo dawladda Muqdisho.

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Abubakar Cismaan oo dhawaan golaha ammaanka u gudbiyay qoraal ka dhan ah saldhiga milatari ee UAE ay ka dhisanayso Berbera, ayaa waxa kale oo uu eeddo u jeediyay xafiiska UNSOM ee uu madaxda ka yahay danjire Michael Keating.

Ergayga Soomaaliya, ayaa inkastoo aanu soo hadal qaadin ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, wuxuu haddana u diray farriin dad dad  ban oo ahayd inaanu sii holcin xaaladda Somaaliya. “Waxaanu aad uga walaacsanahay madaxda sare ee xafiiska UNSOM ee Soomaaliya inay mararka qaarkood soo saarayaan qoraalo khalad ah inta lagu gudo jiro mawaadiicda siyaasadeed ee Soomaaliya.” Ayuu yidhi ergayga Soomaaliya Mr. Abuubakar, waxaanu intaas raaciyay, “Waxa nagu  qastay golaha ammaanka iyo Soomaaliya natiijada taban ee ka dhalatay warbixinahaas.”

Ergayga Soomaaliya oo farriin dirayaa wuxuu yidhi  “Waxaan ugu baaqeynaa hoggaanka UNSOM in ay waajibkooda u gutaan sida awoodahooda ku xusan, isla markaana ay ka fogaadaan dab ku shididda iyo qaska la xidhiidha arrimaha siyaasadda, taasi oo dhibaateyn karta dadaallada ay waddo xukuumadda ee soo celinta nabadda iyo xasiloonidda siyaasadeed.”

Soomaaliya ayaa la aaminsanyahay inay ka cadhootay warbixin uu danjire Michael Keating golaha ammaanka u jeediyay bishii November ee kal hore, taas oo uu ku sheegay in siyaasiyiinta Soomaaliya ay danaha guud ka horumarinayaan danaha qabaailka ah amaba kuwa shakhsiyeed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here