Soo Qaad Warqad Iyo Qalin Oo Sawir Goobo: Waxa Aan Garan Doonaa Illaa Heerka Aad Aqoonyahan Tahay (Q.1)

0
37193

Hargeysa (Geeska) – Marka aad goobo sawirayso, ee aad qalinka warqadda duldhigto u fiirso jihada aad u dhaqaajiso, ma dhinaca saacaddu u wareegto ayaad u wareegtay (Midig) mise dhinaca ka soo horjeeda oo ah dhinaca ay kaa xigto gacantaada bidix? Ma xagga sare ayaa aad ka soo bilowday, oo hoos ayaa aad ka wareegaysaa, mise xagga sare ayaa uu qalinkaagu ka soo wareegayaa?  Waa laga yaabaa in aad arrintan macnadarro u aragto, laakiin waa marka aanad ogeyn in jihada aad ka wareegaysa ay sawir ka bixinayso qofka aad tahay.

Qormadan oo aynu ka soo xigannay shabakadda Scinece News waxa aynu ku eegaynaa macnaha ku duugan qaabka aynu u sawirno xariiqda goobada ah. balse aynu ka bilowno qodobbo xiise gaar ah leh:

Haddii aad Maraykan tahay, waxa ay boqolkiiba 86 u dhowdahay in aad goobada ka sawirto dhinaca saacaddu u wareegto ee midig oo aad dusha ka wareegayso, laakiin haddii aad Jabbaaniis tahay, boqolkiiba 80 waxa ay u dhowdahay in aad goobada jihada kale u wareejiso, adiga oo isla xagga sare ka wareegaya.

Sidee aynu ku garannay?

Bishii kow iyo tobnaad ee 2016, waxa ay shirkadda Google soo saartay hal-xidhaale sida ciyaarta ah oo lagu cabbirayo heerka fariidnimada qofka. Ciyaartan oo lagu magacaabo, “Degdeg u sawir!” kaddib sahamin lagu sameeyey dadkii ka qaybgalay ciyaartan, waxaa ka soo muuqatay in qaabka ay dadku goobada u sawiraan ay ku xidhan tahay hadba deegaanka dhuleed (Juqraafi) ee ay ka soo jeedaan, taas marka la sii dabagalana ay sababteedu la xidhiidho arrin hidde ah oo ka soo jeedda dhaqanka boqollaal sano ka hor ay bulsho kastaa soo kala dhaxlaysay, gaar ahaan dadyowga afafkoodu ay muddada dheer qornaayeen. Waxa kale oo baadhistaas ka soo baxday in qaabka uu qofku xariiqdan u sawiraa ay xidhiidh la leedahay cilminafsiga, iyo weliba waxbarashada maalinlaha ah ee nolosha.

Sideee loo sawiraa goobo

Waxaa jira laba hab oo keliya oo goobada loo sawiro, marka la eegayo jihada ay u soconayso, waa in qalinku u dhaqaaqo dhinaca saacaddu u wareegto, ama in uu dhinaca kale ee liddiga ku ah u wareego. Waxa aana la ogaaday in ummad kastaa ay labadan dhinac mid uun caan ku tahay, oo dadkeedu u badan yihiin in ay isku dhan ka wareejiyaan qalinka goobada sawiraya. La soco…

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here