SOO DHAWAYNTII GAARRIYE IYO SUUGAANTII JANNADA Axmednagaashe, Nairobi

0
873

abwaan gaarriyeMaalmo murugo iyo culays badani saarnaa naftayda oo ay adkaysan wayday baan ku jiray. Ismaan lahayn si sahal ah baad uga bixi baddan murugo ee aad ku jirto. Waxse nasiib wanaag mar qudha badalay xaaladii aan ku jiray xaqiiqo aan waligayba dafiri jiray!

“Toos, toos” ayuu cod debacsan oo aan maqlayaa i yidhi.  Is idhi maantuun buu kula hadlay haatufkii la sheegi jiray, mase ahayn ka aan mooday!

Cod aad u deggan oo aad moodo inuu u damqaday naftayda oo dabiib la ii soo diray ah,  ayaa i yidhi  “ Toos, indha ka buuxso oo ku naso damaashaadka halkan ka socoda iyo madashan quruxda badan ee aan daaha kaaga rogayo”

“ Waa gole amrane, goobtan yaa loo bilay?” ayaan su’aalay codkii i hagayay. “ ha is odhan waxaad ku eegaysaa indhihii ilayska u baahnaa, kuwo kale ayaad ku daawanaysaaye horta bogo, doodana dib u dhigo” ayuu iigu jawaabay.

Waa madal aad u qurux badan oo qalinkayga iyo inta eray een aqaanba aanay sifayn karin. Kollaba in aanay meeshu ifkii iyo wax u dhaw toona ahayn gartay, waxase iga daboollaa xafladan la yaabka leh iyo cidda lagu maamuusayo ee soo dhawaynta noocan ah mutaysatay!

Madasha quruxdeeda aan si fayn kari waayay waxa igaga sii layaab badnaa, ilayskeeda oo aan la arkayn halka uu iftiinku ka imanayo, doogga  daarada ka baxay ee aad mooddo darmo sibig tiran oo dhulka ku fidsan waxa ka dhex muuqday bataax dhalaalaya oo firi walba aad moodo  xabad dheeman ah oo aan qurux u hanbayn ta hareer taal. Maacuunta miisaska saaran iyo soorta iyadoon sooba gaadhin mid walba udugeedo gooni kuu saaqayo waxa ka sii  muuno badnaa, oo i muquuriyay khayaal macnayn kari waayay, goobta gaarka ah ee loogu talo galay in lagu dangiigsado marka la isu dhiidhi