“Soo Dhawaynta Wasiirada Madaxweyne Silanyo Waxa Sannadkii Ku Baxa 1 Milyan Dollar”

0
474

Picture8Hargeysa(Geeska)-Musharaxa madaxweyne ee xisbiga mucaaradka ah ee Ucid  Jamaal Cali Xuseen, ayaa xukuumadda madaxweyne Axmed Siilaanyo ku dhaliilay soo dhawaynta wasiirada uu sheegay in sanadkii uu ku baxaayo dhaqaale ku dhaw laba milyan oo dolar.

Jamaal Cali Xuseen waxa uu sheegay in loo baahan yahay dhaqaalaha cashuur ahaan lagaga soo ururiyo shacbiga in la geliyo meele ku munaasab ah. Waxaanu arimahan kaga hadlay warsaxaafadeed uu soo saaray,  waxaanu qoraalkaasi uu u dhignaa sidana“$2 Million oo Doolar baa ku baxa Soo Dhaweynta Wasiirada. Somaliland maanta ma awood bay u leedahay in wasiir walba sida maamuus kii madaxweynaha lagu soo dhaweeyo. Waxaaba la sheegayaa in wasiirada soo dhaweyntooda ay Ku baxdo markiiba $5,000 Shan Kun oo doolar. Haddaba markaan xisaabiyey in celcelis ahaan wasiirkiiba sanadkii aan yareeyoo 4 jeer la soo dhaweeyo, oo 50 ka wasiir ee xukuumaddan la xisaabiyo ugu yaraan sanadkii waa Hal malyuun oo doolar. Hadaan Ku daro Hal malyuun oo doolar oo safarada goboladda ah, waxay isku tegaysaa $ 2 million oo soo Dhaweynta iyo safarada goboladda ah. Hadda weliba kumaan Darin safarada ay dibadda ugu baxaan kharashkooda, bal aan u yareeyee oo Ilaahay baan idinku dhaarshee miyaan lacagtaasi laga soo guray canshuurta da' yarta aynaan wax kale uga faa'iideysan karin.”