Sonkorta Iyo Cuntooyinka Laga Sameeyo Daqiiqda Cad Ayaa Sabab U Noqon Kara Khilaaf Qoyska Burburiya

0
1029

1Washington (Geeska)- Nooca cunto ee qoysku isticmaalaa waxa ay ka mid noqon kartaa sababaha keena khilaafaadka qoyska. Tiro koobyo laga sameeyey dalka Maraykanka iyo dalal kale oo badan ayaa natiijada ka soo baxday ay noqotay in Afartii khilaaf ee qoysas dhex maraba Saddex ka mid ahi ay xidid ku leeyihiin nooca cunto ee qoysku isticmaalo. Drs. Mary Jean H. Ford oo ah macallimad cilmiga iyo faa'idada cunta ka dhigta jaamacadda Colorado ee dalka Maraykanka isla markaana khibrad badan u leh khilaafaadka qoyska, kana mid ah khubarada natiijadan gaadhay ayaa sharraxaad ka bixisay arrintan yaabka leh ee isu xidhaysa burburka qoysaska iyo nooca cunto. Waxaana hadalladeeda ka mid ahaa, "Xaaladaha ugu badan ee furniinka iyo isnaca ama mashaakilaad qoyska dhaliyaa waa daal iyo niyad jab ku dhaca labada qof midkood, markii la baadhay sababta keenta daalka iyo niyad xumada noocan ahna waxa la ogaaday in nooca cunto ee uu qofku isticmaalaa qayb libaax ku leedahay" Waxa aanay intaas ku sii dartay, in sababaha keena niyad xumada iyo daalka nafsiga ah ama jidheed ee ku dhaca labada qof ama midkood ay ka mid tahay sonkorta oo ku badata jidhka.

Dr. Hangur Ford oo maamule ka ah xarun caafimaad oo ku taalla magaalada Santa Barbara ee gobolka California ayaa isaguna ka mid ahaa khubarada samaysay daraasaddan daahfurtay in boqolkiiba 70 illaa 75 ka mid ah qoysaska burbura ay sababta burburkoodu xidhiidh la leedahay nooca cuntada. Isaga oo sharraxayana waxa uu yidhi, "Waxa xaruntayda igu yimi lammaane is qaba oo ay haysato mushkilad jidheed iyo mid nafsi ahi, waxa ii caddaatay in lammaanahani aanay xattaa garanayn waxa dhab ahaan haysta iyo sida loo hayo, gabadha waxa hayey mooral xumo badan iyo daal nafsi ah, ninkuna waxa uu ka cabanayey cadho badni iyo dulqaadkii oo ku yaraaday, wax yar ayuu ka cadhoonayey markaasuu khilaaf aad u weyn oo reerkaba burburin gaadhaa dhacayey. Waxa aan baadhay dabagalna aan ku sameeyey nooca cunto ee ay cunaan, waxa aanan ogaaday in ay badanaaba tahay cunto ay ku yar yihiin maaddooyinka muhiimka ah…" Ayuu yidhi khabiirkani.

Waxa uu digtoorkani sheegay inuu dhaqso u beddelay cuntooyinkii ay cunayeen lammaanahani, isaga oo ka dhigay cuntooyin si cilmiyeysan ay isugu dheeli tiran yihiin maaddooyinkooda cunto ee ku jiraa. Cuntooyinka uu khabiirkani lammaanahan ka mamnuucayna waxaa ka mid ah, sonkorta, daqiiqda iyo dhammaan cuntooyinka ka samaysan daqiiqda cad, isla markaana waxa uu ka yareeyey bunka. Maalmo gudahood ayaanu is beddelay xidhiidhka qoyskan oo uu dib ugu soo noqday sidii ugu fiicnayd. Ugu dambayntii waxa uu digtoorku uga digay qoysasku inay badsadaan sonkorta iyo cuntooyinka daqiiqda cad leh.