“Somaliyana Inaynu Bur Iyo Biyo U Kala Baxno Waynu U Baahanahay”

54
3848

xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe,

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Dibadda ee Golaha Wakiiladda xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe, ayaa ka hadlay dagaalka dublamaasiyadeed ee Somaliland iyo Somaliya ka dhex qarxay, waxaanu sheegay in Somaliland tahay Dal madax banaan, oo aanay Somaliya ka talin una arimin, waxaanu xusay in Somaliland xor tahay oo cidii ay doonto heshiis la galayso, cid ay uga fasax qaadanaysaana aanay jirin.

Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Dibadda ee Golaha Wakiiladda Axmed Cabdi Kijaandhe oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Shacabka reer Somaliland ku bogaadiyey isku soo bixi iyo banaan bixi ay sameeyeen ee ay ku muujinayeen qadiyadooda iyo inay Somaliya ka soo hor jeedaan, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Aad iyo aad baan u hambalyeynayaa una soo dhaweeynayaa Shacabka reer Somaliland, waxaana banaanbaxa Shacabkeenu cid walba tusaysa in Shacabkeenu raali ka yahay dawladooda, oo dadkii ay doorteen halkan joogaan, oo ay hor socdaan, waxayna kala oo banbaxoodu fariin u yahay kuwa Xamar jooga ee leh Berbera ayaanu xukunaa oo Hargeysa ayaanu u ariminaa”.

Mar uu ka hadlaayey dagaalka Dublamaasiyadeed ee Somaliland ka dhanka ah ee ay Somaliya wado ayaa yidhi “Wax alaale waxay Madaxda Somaliya ina yeeli karaan ma jirto, dagaalkan Dublamaasiyadeed ee ay Somaliya inagu wado iyo ololaha ay hadda wado ee ku saabsan heshiiska Dekeddeena, Wadamada qaarna wey ka cadhaysiinaysa, oo Somaliya ayey la dhinac yihiin, Wadamada qaarna taageero ayeynu kaga helaynaa, Somaliyana inaynu bur iyo biyo u kala baxno weynu u baahan nahay, waxay fidinayaan waa waxaan la maleeyn karin, inagoo Somaliya ahayn laba dawladood oo isku biiray, haddana kala baxay, ayaa haddana ina sheeganayaan, inagoo Doorashooyin xalaala galnay, oo Madaxdeenii dooranay, ayaa cid aynaan doorani inoo doobayeysaa, suurtagalna maaha in cid aan dalkeena ka talin kana arimin, inay inagu soo xad gudubto, oo ay ina sheegato, wax walbana waxa ka muhiimsan wada jirkeena iyo wada socodkeena, waxaana muhiim oo ah oo aan ka talin lahaa in la sameeyo maalin banaan bax oo guud ahaan Shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan ka banaan baxaan, oo shucuurtooda iyo qaranimadooda ku muujiyaan”.

Mar uu ka hadlaayey hanjabada Madaxda Somaliya iyo xuquuqda Somaliland ku lahayd Somaliya ayaa yidhi “Xuquuq badan oo aynu lahayn, oo aynu ku lahayn Dawladdii Somaliya ee aynu isku darsanay, ayaa imika la inagu dulmayaa, oo la inaga yeeshay, oo inagiina la inala leeyahay car hadla, laakiin waxa hubaal ah inaynu inagu hadafkeena iyo himiladeena gaadhayno, oo xaqii la inaga aasay ayaa soo baxaya”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here