“Somaliland Way Ka Gudubtay Xilligii La Kala Sheegan Jiray” Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Xasan(Shaadh),

0
593

1Aniga oo ah Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Xasan(Shaadh), waxaan halkan mar kale ku leeyahay Somaliland way ka guduubtay xiligii la kala sheegan lahaa ilaha dhaqaalaha ee dalka Somaliland umana ekaan karto dhawr iyo sagaashankii oo aynu dhiska qaraku inoogu cuslaa dhiskiisu. Waxaanan leeyahay waar hay fogaynina ee waxaan ahay dadka degan Berbera ee ilaah ku uumay kuna leh Berbera ilaa xeebta Berbera laga bilaabo bariga degmooyinka Xagal iyo laasciidle ilaa xiis iyo maydh ceerigaabo cidina u dhaxayn waana meelaha ugu mihiimsana dalka kuna wacan wada jirka umada Somaliland in aanay ku jirin kala sheegashada ilaha dhaqaalahu ka soo baxaan waxaanan leeyahay dawladnimada yaan khalad laga fahmin waynuna soo dhaafnay xiligii ay shayn jirtay qabiil urursi lagu difaaco xoolo cunis cashuur umad ka dhaxaysii in gaar lagu guneeyo laguna siiyo laaluush. Gobolka saaxil waa meel la odhan jiray Barbaraawi reer Barbaraawe in badan oo dhawr iyo tobon qabiil ku noolyihiin maxaad adigu u qaadatay iimaan la’aanta si guud ugu hadlay hadii aanay guurayn dakadu aynuna nahay dadka anfaca ku qaba dhamaan teen reer berbera maxaad kaligaa u qaadatay tilmaanta guud hadii aanay ciladi kugu jirin ama wax gaar ah oo aanay dadka kale ogayn aanad ku qabin. Wax magaratada iyo maxasta dhangaagal ah six un wax u sheega dawladda ayuu xil ka saaran yahay waana sunaha dawladninada

Allaa Mahad leh

Cabdiramaan