Somaliland Oo Xidhay 24 Caaqil Oo Nabada Dharkan-geenyo Ka Shaqayn Waayay

0
670

Hargeysa(Geeska)-Dawladda Somaliland ayaa magaalada Lascanod ee gobalka Sool ku xidhay 24 Caaqil oo ka shaqayn waayay nabadaynta beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya deegaanka Dharkan-geenyo ee gobalka Sool.

1

Guddoomiyaha gobalka Sool Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) ayaa wargeyska Geeska Afrika u sheegay in la xidhay 24-kaas Caaqil oo ka soo kala jeeda beelaha Ba-hararsame iyo Qayaad ee Dhulbahanate ee uu dagaalku dhex marayo. Wuxuu sheegay in odayaashan lagu xidhay xabsi ku yaala magaalada Burco, ka dib markii ay ka shaqayn waayeen nabadaynta beelaha walaalaha ah oo ay ka soo kala jeedaan, waxaana beel kasta laga xidhay 12 oday dhaqameed.

Dagaalka labadan beelood ayaa waxa ku dhintay in ka badan 40 qof oo ka mid ah dhinacyada dagaalamaya, waxaana muuqata inaan weli lagu guulaysan xal u helista dagaalkaas.