Somaliland Oo Si Weyn Looga Xusay Maalinta Umulisada

0
603

um07Hargeysa(Geeska)-Xuska Maalinta Umulisada Aduunka oo Sanad walba Aduunka laga xuso, ayaa xuskeedii oo Shalay ku beegna si weyn looga xusay Somaliland, gaar ahaan Casimadda.

 Munasabad lagu maamuusayay maalinta umulisada aduunka ayaa lagu soo bandhigay dhibaatooyinka ay la kulmaan haweenka xiliga dhalmada, dhimashada iyo daryeel la’aanta  soo waajahda Hooyada xiliga Uurka iyo Foosha.

Munaasibadan oo  si heersare ah loo soo qabanqaabiyey  soona qaban qaabisay  Ururka Kal-kaaliyayaasha iyo Umilisooyinka Somaliland SLNMA, laguna qabtay Mansoor Hotel ee Magaalada Hargeysa ayaa  waxa ka soo qeyb galay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Marwo  Nimco Xuseen Qawdhan, Agaasimaha Wasaaradda  Caafimadka Dr Cismaan Xasan Warsame iyo Masuuliyiin ka kala socday Ururka Umilisooyinka Somaliland SLNMA, NHPC,THET,UNFPA, SOMLA   iyo Umulisooyinka kala duwan ee ka hawgala Gobolada Somaliland.

Agaasimaha  Ururka Umilisooyinka Somaliland SLNMA Marwo Foosiya Maxamed Ismaaciil oo iyadu ugu horeyn halkaas ka hadashay ayaa si xeeldheer uga warbixiyey qiimaha ay Umulisadu Bulshada u leedahay,waajibka saaran,  dhibaatooyinka kala duwan ee ay la kulmaan Haweenka Uurka leh ee aan helin Umuliso aqoon leh iyo Ilmaha Uurka ku jira dhibaatooyinka uu la kulmo,  waxayna tidhi “Waxaan doonaya in aan halkan ka caddeyo qiimaha ay leedahay Maalinta Umulisada Aduunka oo Maanta (Shalay), ku beegan, aadna loogu xusaayo aduunka, Umulisadu waa qaali, Hooyo haddii aanay jirin,Aduunkuna muu jireen, Hooyaduna haddii aanay Umuliso helin, wey isku dhiman lahayd, Maantana waa Maalintoodii in laga farxiyana wey istaahilaan, waxaan doonaya in aan ka hadlo qiimaha ay leedahay Umulisadu, si loo yareeyo dhimashada Hooyada iyo Ilmaha, ayey Umulisadu muhiim u tahay, in la xuso, la taageero oo la dhiirigeliyo Umulisiyoonka waa arin ay u qalmaan, Wasaaraddana waxa looga baahan  yahay inay siiso waxyaabaha ay u baahan yihiin”.

Marwo Foosiya Maxamed Ismaaciil ayaa sidoo kale halkaas ku soo bandhigtay, kana soo jeedisay Casharo ku saabsan Dhibaatooyinka kala duwan ee ay la kulmaan Haweenka Uurka leh ee aan tagin goobaha Caafimaadka, Haweenka ku nool Deegaanada aan lahayn Goobaha Caafimaadka iyo sida loogu baahan yahay in aad loo ogaado qimaha Umulisadu iyo doorka ay Bulshada  ku leedadahay.

 Agaasimaha Guud ee Wasaaradda  Caafimadka Dr Cismaan Xasan Warsame oo isna Munaasibadaas ka hadlay ayaa ka waramay muhiimada ay Bulshada  u leeyihiin Umulisooyinku, waxaanu sheegay inay qeyb muhiiim ah ka yihiin Wasaaradda Caafimaadka, waxaanu ka waramaya hawlaha shaqo ee Umulisada,  “Umulisooyinka iyo Kal-kaalisooyinku waxa ay qeyb muhiim ah ka yihiin Wasaaradda Caafimaadka, doorkooduna uu cad yahay, waxaana ka mid ah inay maamulaan MCH-yada, inay ka hortagaan Hooyooyinka uurka leh ee isku dhimanaya, inay ka qeyb qaataan kobcinta Caruurta iyo inay dardar geliyaan hawlaha MCH-yada, Tobankii Sanno waxa wax bartay Umulisooyin badan, laakiin maynu gaadhin halkii la rabay, halkii Umuliso ama halkii Kal-kaaliso waxa ku soo hagaagaya Shan iyo Labtaan Kun oo Qof, markaas hadda waxa aanu wadnaa qorsho aanu doonayno in aanu wax la qabano dadka Xirfadlayaasha ah, Tababarna aanu siino Umulisooyinka”.

Guddoomiyaha SLNMA Marwo Faadumo Cabdi Kaahin oo iyana halkaas ka hadashay ayaa ka warbixisay sida ugu fudud uguna wanaagsan ee loo heli karo Umuliso iyo waajibka ka saaran Bulshada, isla markaana badbaadisa Hooyada Uurka leh, waxayna sidoo kale ka hadashay Umulisoonka aan aqoonta lahayn ee ah Umulisooyinka dhaqanka iyo waajibka ka saaran badbaadinta Hooyada  iyo Ilmaha, iyada oo ku dhiirigelisay inay mar walba la soo socodsiiyaan keenana Hooyada Uurka leh Goobaha Caafimaadka ee ugu dhaw si looga  badbaadiyo Xanuuno badan oo ku dhici lahaa, waxa kale oo sheegtay inay wadaan qorshayaal badan oo ay ku horumarinayaan  aqoonta Umulisooyinka, iyada  oo xustay inay jiraan Umulisooyin qaatay Shahaadada Degree-ga, oo hadda wada shahaadada sare ee Mastert

Hormoodka  Kuuliyada  Nursing-ka ee Jaamacadda Camuud Marwo Faadumo Abokar oo iyana Munaasibadaas ka hadashay ayaa si qiiro leh uga hadashay qiimaha ay Hooyadu ku dhex leedahay Bulshada,waxayna soo jeedisay in aan la dhayalsan Hooyada, laguna dadaalo in la kobciyo aqoonta Haweenka, gaar ahaan Umulisooyinka, oo ay tilmaamtay inay aad iyo aad muhiim u yihiin.

Dr Aadan Faarax oo ka socday Hay’adda UNFPA, Nuura Caydiid oo ka socotay THET, Muxiyadiin Axmed Jibriil oo ka socday SOMLA, Luul Jirde oo ka socotay NHPC, oo iyana halkaas ka hadlay ayaa ka waramay kaalinta ay kaga jiraan iyo sida ay uga qeyb qaatan Caafimaadka, gaar ahaan Umulisooyinka, waxayna halkaas ka sheegeen inay mar walba awooda saaran sidii loo heli lahaa Umulisooyin aqoon leh, oo garanaya Waajibka ka saaran Bulshada iyo Haweenka.

Ugu dambeyntii Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan oo iyada Munaasibadaas soo  xidhay ayaa iyana dhankeeda ka  sheegtay inay Wasaarad ahaan garab taagan yihiin Umulisooyinka iyo qeybaha kala duwan ee Caafimaadka, waxayna tidhi “Wasaaradda Caafimaadku waxa ay garab taagan tahay diyaarna u tahay inay la shaqeeyso Ururada ku hawlan Caafimaadka, haddii aanu nahay Wasaaraddii Caafimaadkana in mar walba la helo Caafimaad oo Bulshadu hesho waa nagu waajib, in la daryeelo Haweenka Uurka leh iyo Ilmaha oo loo helo Umulisooyin Aqoon leh waa mid iyana aad muhiim u ah”,

Dhinaca kale Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan ayaa halkaas Shaahado sharafyo ku gudoonsiiyey Umusliyoon ka kala socday Gobolada dalka,oo iyagu dadaal muujiyey, waxa  kale oo iyana xusid mudan in Munaasibadan ay joogeen Umulisooyinka Dhaqanka.