Somaliland Oo Sheegtay In Aan Lagu Wargelin Sababta Wada Hadalladii Soomaaliya Dib Loogu Dhigay, Sheegtayna Wakhtiga Ballanta Danbe

0
402

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr Sacad Cali Shire ayaa ka hadlay dib u dhaca ku yimid wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya, ee ka dhacaayey dalka Turkiga, waxaanu sheegay in aan ilaa hadda loo sheegin sababta keentay dib u dhaca balse Ramadaan kadib ay dib u bilaabi doonaan wada hadaladu.

1

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr Sacad Cali Shire oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay aragtidiisa ku waajahan imaanshaha Madaxweynaha Turkiga ee Muqdisho iyo sameeynta ay ku yeelan karto arinta wada hadalada, waxa kale oo uu ka hadlay dadkii lagu laayey Deegaanka Gaashamo iyo dagaalkii labada beelood ku dhexmaray Dharkeen-geeyo, waxaana ugu horeyn isaga oo ka jawaabay su’aal aanu ka weydiinay sababta keentay dib u dhaca wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ayaa ku jawaabay “Kolay wada hadaladii dib ayey u dhacaan, anigu diyaar ayaanu u in aanu galno, laakiin sabab cad oo ilaa hadda naloo sheegay oo dib u dhaca keentay ma jirto, laakiin waxay si toos ah u bilaabi doonana marka ay bishan Ramadaan ina dhaafto haddii ALLE idmo”.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo aanu wax ka weydiinay sameeynta ay ku yeelan ku yeelan karo safarka uu Madaxweynaha Turkigu ku yimid Muqdisho arina wada hadalada ayaa ku jawaabay “Madaxweynaha Turkigu horeba waa kii u tagay Muqdisho, waxa sameeyn ah oo uu safarkiisu uu ku yeelan karo arinta wada hadaladu ma jirto, dalka Turkigu gogosha uu fidiyey oo qudha balse si toos ah uma soo dhex galayo wada hadalada, anaguna haddii aanu nahay Somaliland, mar walba waxa aanu ku dadaalaynaa sidii aanu cid walba ugu qancin lahayn madax banaanida iyo jiritaanka Somaliland, meel kasta oo aanu u gali karno aqoonsiga Somaliland waanu u galaynaa, waxaana doonaynaa in aanu Somaliya ku qancino in aanan dib ugu biiri doonin, maxa yeelay hore ayeynu ugu hungoownay, hore ayeynu ugu khasaarnay, inaga oo dawlad ah ayeynu ku biirnay, wixii inagu dhacayna cidna kama qarsoona, markaas hadda dib ayeynu ula soo laabayn madax banaanideeni ayeynu iska luminay, wixii shga baahnaa dal iyo dawladna waanu buuxinay, markaas hadda waxaynu sugaynaa oo qudha ictiraafkii, haddii ALLE idmana weynu heli”.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr Sacad Cali Shire ayaa waxa kale oo uu baaq nabadeed u diray beelihii isku laayey Dharkeen-geeyo oo ugu baaqay inay nabadada ilaaliyaan, oo ay heshiiyaan, isaga oo tacsi u diray dadkii ku geeriyooday dagaalkaas.