Somaliland Oo Shalay Looga Dareeray Salaad Roob Doon Ah

0
784

Picture4Hargeysa(Geeska)-Guud ahaan waxa shalay Somaliland looga dareeray salaad roob doon ah taas oo uu hore ugu baaqay madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo in laysugu soo baxo, si Alle looga baryo in uu roobkii gu’ga oo dib u dhacay uu shubo.

Waxa roob doontan looga dareeray inta badan magaalooyinka waaweyn,degmooyinka iyo toolooyinka dalka. Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa isagu salaada roob doonta ah kula tukaday shacabka magaaladda Berbera oo maalmihii ugu danbeeyay oo dhan uu ku sugnaa. Halka madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici uu isaguna uu la tukaday shacabka reer Hayreysa.

Roobkii xiliga gu’ga ayaa dib u dhacay waxaana inta badan deegaanada Somaliland laga dareemayaa kulayl iyo dabo dheeraanshaha xiligii jiilaalka, dadka reer Somaliland oo u badan xoolo dhaqato ayaa ku tiirsan roobabka oo u da’a inta badan labada xili ee Gu’ga iyo Dayrta.

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo hadal kooban ka jeediyay goobtii uu shacbiga reer Berbera kula tukaday waxa uu yidhi“Waxaynu halkan isugu soo baxnay in aynu Alle ka barino roob khayr leh inuu ina siiyo oo umadeenu u baahan tahay, Alle waa uu inoo aqbalayaa insha allaahu, markaas waxaynu Alle ka baryaynaa in dadkeena  oo ah umad xoolo dhaqato ah, oo beeralay ah inuu Alle inoo siiyo roob, Alle haynaga aqbalo.”

Sida oo kale madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiramaaan Cabdilaahi Saylici oo la tukaday shacbiga reer Hargeysa ayaa isaguna dhankiisa ku baaqay in lays cafiyo isla markaasna layska qabto xumaanta, waxana hadaladiisa ka mid ahaa  “Waxaynu isugu soo baxnay in aynu Alle barino maadaama oo uu dib u dhac ku yimi raxmadii gu’ga ee aynu sugaynay oo aynu bil iyo ayaamo aynu ku jirno gugii, kulaylka ina haya meel kaleba ha joogtee waynu arkaynaa maanta Hargeysa,waxa laynooga baahan yahay in aynu is cafino oo caloosha hagaajisano, dadku markay  isku calool wanaagsanaadaan ayuu Allena u naxariistaa, Alle waxa uu sheegay inuu umadiisa ku arsaaqo niyadooda.”

Meelo kale oo ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee Somaliland ayaa shalay laga tukaday salaadaas roob doonta ah.