Somaliland Oo Shalay Laga Xusay Maalinta Biyaha

0
733

Picture3Somaliland(Geeska)-Xuska maalinta biyaha ee caalmiga ah ayaa laga xusay guud ahaan Somaliland. Waxaana xusaaskan laga soo jeediyay khudbado ku saabsan muhiimada ay biyahu u leeyihiin aadamaha iyo waxqabadka haayadaha biyaha ee Somaliland.

Xuska sanadkan ee biyaha ayaa halku dhig looga dhigay Tamarta iyo Biyaha waxa sida oo kale wasiirka wasaarada biyaha Somaliland Xuseen Axmed Cabdule uu ugu baaqay shacbiga inay ka faa’idaystaan biyaha roobka.

Wasiirka biyaha Xuseen Axmed Cabdule oo ka hadlaayay xaflad balaadhan oo maalinta biyaha aduunka loogu qabtay Hargeysa waxa uu yidhi “Biyo yaraani waa ay jirtaa oo had iyo jeer cimilada ayay ku xidhan tahay inagu biyaha aynu helno sidoo ugama faa’idaysano, biyo badsan oo xiliga guga inoo da’a nasiib daro biyahaasi sida ay u badan yihiin waa ay ina dhaafaan kama faa’idaysano, hadii aan su’aal idin waydiiyo Hargeysa oo aad ogtihiin intay maanta leegtahay bal guri kaliyaata oo ka faa’idaysta biyaha roobka ma jiraa? waxaan odhan karaa waa maya. biyahaasi siday u socdaan dooxyada ayay qaadana oo waanay dhaafaan, hadii aynu biyahaas qabsan lahayn biyahun waa ay inoo kaydsani lahaayeen, kharashka biyaha aynu ku bixinaana waa uu yaraan lahaa .”

Maareeyaha wakaalada biyaha Hargeysa Ibraahin Siyaad Yoonis ayaa iaguna dhankiisa baaq ugu soo jeediyay Hargeysa inay qabsadaan biyaha roobka “Waxaan ku dhiiriganayaa dadweynaha ku dhaqan magaaladda Hargeysa  wakhtiroobaad ayaa ingu soo dhaw, biyo badan yaynu helnaa  oo biyahaas inbadan oo ka mid ah waxa ay galaan bada, daraasad aaanu samaynayna waxaa aan ku ogaanay in jiingadaheena ay ka dhacaan biyo badan, waxaanan dadka ku dhiiri galinaynaa in mujiroolo fiican la sameeysto oo la qabsado biyaha roobka,lagana faa’idaysto.”

Isuduwaha Wasaarada Biyaha Ee Gobolka Togdheer Rashiid Faarax oo ka hadlaayay xuska maalinta biyaha ee magaaladda Burco waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Waa maalintii biyaha aduunka oo sanad walba xus iyo xaflad looga dhigo caalmka maanta xafladeenan halku dhigeedu sanadkan waa tamarta iyo biyaha ama biyaha iyo tamarta hadba sidaad u taqanana labadu ma kala maarmaan sanad walbana xaflad baanu u qabana ka wasaarad ahaan si aynu isugu baraarujino oo isugu sheegono qiimaha ay biyahu nolosheena u leeyihiin ilaahaybaana quraankeena inoogu sheegay in ay nolosheenu biyo ku salaysan tahay waxkasta oo noole ahina uu biyo ku noolyahay waxaana loo baahan yahay in aynu isu eegno qaabka u keydsan karno ama u heli karno biyo nadiifa oo wanaagsan ayaa loo baahan yahay in  aynu isku baraarujino”

Sida oo kale magaaladda Boorama ayaa iyadana dhankeeda lagu qabtay xuska maalinta biyaha Aduun iyo gobalada kale ee Somaliland, waxaan sanadkan xusaskan xooga lagu saaryay in biyaha la kaydsado isla markaasna laga faa’idasyto.