Somaliland Oo Ku Dhawaaqday In Dabayaaqada Bishan La Dhagax Dhigayo Dhismaha Jidka Berbera Iyo Wajaale

0
1373

Hargeysa(Geeska)- Wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan ayaa ku dhawaaqay in bishan la dhagax dhigaayo wadadii ganacsiga ee isku xidhaysay Berbera iyo wajaale isla markaasna la bilaabi doono horaanta bisha saddexaad.

Waxa uu wasiirku sheegay inay dalka Imaaraadka ay u tageen isaga iyo madaxweyne ku xigeenku sidii wadadaas loo dhaqaajin lahaa, wasiirka oo la hadlaayay Bulsha Tv ayaa ugu horayntii waxa uu sheegay xiliga wadadaasi ay bilaabmi doonto “Waxa la dhagax dhigayaa 18 bishan labaad sideed cisho kadib, waxaanan rajaynayaa inay si rasmi ah u bilaabmi doonto 15 bisha sadexaad.”

Waxa uu wasiirku sheegay in safarkii ay Imaaraadka ku tageen ay arimaha wadadan kaga hadlayeen“Tobanka bishii labaad waxaanu safar shaqo ku tagnay  dalka Imaaraadka, waxa uu ahaa safar shaqo oo la xidhiidhay mashruucan Berbera corridor, sida oo kalena waxaanu la kulanay wasiiru dawlaha arimaha dibada Anwar Qarqaash. Waxa ay anaga shaqadayadu ahayd sidii aanu u dardar galin lahayn wadada Berbera ilaa Wajaale, waxaana ugu muhiimsanaa sidii loo dardar galin lahaa wadadaas.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here