Somaliland Oo Ciidankeeda Kala Soo Baxday Taleex

0
574

Picture5Hargeysa(Geeska)-Dawladda Somaliland ayaa ciidamadii qaranka dib uga soo saartay magaalada Taleex ee gobalka Sool oo ay Salaasadii doraad la wareegeen. Ma jiro wax war ah oo ay xukuumaddu ka soo saartay soo bixitaanka ciidanka.

Hase yeeshe warar soo baxaya ayaa waxay sheegayaan in ujeedada ay ciidanku halkaas u tageen ahayd sidii ay u kala didin lahaayeen kooxo doonayay inay Taleex ku qabsadaan shir, kuwaas oo kala yaacay. Warar kalena waxay sheegayaan in soo noqoshada ciidanku la xidhiidho culaysyo diblomaasiyadeed oo Somaliland kaga yimid beesha caalamka gaar ahaan Qaramada Midoobay.

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somailya oo warbaahinta la hadlay ayaa ku baaqay in xaaladda wada hadal lagu soo celiyo isla markaana laga fogaado talaabo kasta oo dagaal sababi karta.

Si kastaba ha ahaate ciidamada qaranka ayaa iyadoo aanay wax dhibaato ahi dhicin Salaasadii la wareegay magaalada Taleex ee gobalka Sool. Wasiirka gaashaandhiga ayaa hore u muujiyay suurtogalnimada inay ciidamadu dib u soo noqdaan ka dib marka ay hawlgaladooda soo dhamaystaan.