Somaliland Oo Amartay In Hoteelada Habeenkii Lagu Caweeyo La Rawixiyo 11: 50 Habeenimo

50
3394

Hargeysa(Geeska)-Xukuumada Somaliland ayaa go’aan ka soo saartay hudheelada habeenkii munaasibada ama cawaysyada lagu qabto aanay ka danbayn  karin laba iyo tobanka habeenimo oo toban dhiman. 11:50 habeenimo.

Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Maxamed Muuse Diiriye ayaa sheegay in guud ahaan dalka aanay ka ogolayn hudheel lagu caweeyo xiliga danbe, waxaanu ciidamada iyo badhasaabada dalka amray inay talaabo ka qaadaan hudheelka aan u hoggaansamin “Waxaan halkan isugu kiin yeedhay inaan u diro farriin dhamaanba hudheelada waaweyn ee dalka meelkasta oo ay tahayba, waxaan fariin u dirayaa taliyayaasha ciidamada,badhasaabada gobalada inay tixgaliyaan qoraalka aanu u soo qornay, waxaanu u sheegaynaa hudheelada in wakhtiga lagu cawaynaayo ama xafladaa lagu qabanaayo aanay ka danbayn 11:50 ama laba iyo tobanka oo toban dhiman,waxaanu u sheegaynaa in cawayska la cawaynaayo ay mabnuuc ka tahay in lagu arko khamro,xashiishad iyo waxii kale ee la mid ah, waxa la farayaa dhamaan ciidanka booliska hawshaas caawa oo ay taariikhdu tahay 12/Nov/2019 inay hawshaas gutaan.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here