Somaliland Oo Aan Weli Go’aan Ka Gaadhin Wasiiradii Reer Jigjiga Ee Madaarka Cigaal Lagu Qabtay

53
3976

Hargeysa(Geeska)-Dawladda Somaliland ayaa weli haysa laba wasiir oo ka tirsanaa xukuumadii Madaxweynihii hore ee Soomaalida Itoobiya, oo la qabtay iyagoo ka dhoofaya madaarka Hargeysa.

Labadan wasiir ayaa kala ah wasiirkii hore ee waxbarashada Ibraahim Aadan Mahad oo ku magac dheer Ibraahim Sacab iyo wasiirkii caddaaladda Cabdi Jamaal Axmed Qaloonbi, waxaana la qabtay maalintii ciiddii Carafo oo ay doonayeen inay ka dhoofaan madaarka Hargeysa, iyagoo ku soo jeeday magaalada Nayrobi ee dalka Kenya.

Sarkaalkaas ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa sheegay in labada wasiir loo haysto in ay si dhuumasho ah ku soo galeen Somaliland iyaga oon dal ku gal wadanin, isla markaasna ay rabeen in ay garoonka kaga baxaan si dhuumasho ah.

Lama garanayo waxa ay xukuumadda Somaliland ugu tallo gashay labadan masuul ee hore, waxase suurtogal ah in dib loogu celiyo dalka Itoobiya ama in loo masaafuriyo dalka ay doonayaan inay tagaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here