Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Laga Cabsi Qabo Inuu Sannadka 2019 U Bilaabmo Dagaal Dhinaca Badda Ahi Iyo Sababta Soo Dedejinaysa

0
1491

Hargeysa(Geeska)-Dagaal cusub oo dhinaca badda ah ayaa la saadaalinayaa inuu u bilaabmi doono Somaliland iyo Soomaaliya horaanta sannadka cusub ee 2019, ka dib markii ay dawladda Soomaaliya shirkado laga leeyahay dalka Shiinaha siisay ruqsado kalluumaysi.

Dawladda Soomaaliya ayaa dhawaan waxay shirkado laga leeyahay dalka shiinaha oo ku bahoobay magaca COFA siisay ruqsado kalluumaysi oo ay ugu fasaxday inay badda ka kalluumaystaan. Shirkadaha dalladan ku bahoobay oo wata maraakiib kalluumaysi oo hubaysan ayaa tiradooda lagu sheegay 33 shirkadood.

Dawladda Soomaaliya ayaa ku bedelatay heshiiskan dayn ay ka qaadatay bangi la sheegay in laga leeyahay dalka Shiinaha oo gaadhaysa 200 oo milyan oo dollar oo lagu dhisi doono dekedda Muqdisho.

Sida ka muuqata heshiiskan, waxa ay dawladda Soomaaliya shirkadahan Shiinaha laga leeyahay u sheegatay inay maamusho oo ay masuul ka tahay guud ahaan xuduudka badda ee dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya ka hor sannadkii 1991.

Wasiirka xanaanada xoolaha iyo kalluumaysiga ee Somaliland Xasan Gaafaadhi ayaa ka jawaabay ruqsadahaas ay Soomaaliya bixisay, waxaanu sheegay inaanay ahayn kuwo khuseeya biyaha Somaliland maadaama oo ay Somaliland ka madaxbanaantahay Soomaaliya, waxaanu shirkadaha Shiinaha uga digay inay ku soo xad gudbaan biyaha Somaliland.

Ka sokow, hadalka Wasiirka xanaanada xoolaha iyo kalluumaysiga Somaliland, lama oga in xukuumadda Somaliland u diyaar garowday suurtogalnimada xad gudub ay Soomaaliya ku soo farogeliso xeebaha Somaliland, laakiin dawladda Somaliland ayaa leh ciidan badda ah oo ilaaliyaha xeebaha Somaliland, kuwaas oo Somaliland ka badbaadiyay budhcad badeeda looga caagay xeebaha Soomaaliya.

Somaliland iyo Soomaaliya oo uu hore uga dhexeeyay khilaafka dhinaca hawada iyo weliba dhulku, ayay suurtogal tahay inay isku hirdiiyaan sannadka 2019 dhinaca xuduudka biyaha ee u dhexeeya labada wadan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here