Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Bilaabay Inay Ka Wada Hadlaan Muranka Hawada Iyo Masuuliyiin Ka Kala Socda Oo Ku Kulmay Nayroobi

60
5711

Hargeysa(Geeska)-Dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya ayaa wada hadal ku saabsan sidii isfaham looga gaadhi lahaa khilaafka ku saabsan hawada waxa ay ku yeesheen magaalada Nayrobi ee dalka Kenya.

Maareeyaha hay’adda duulista iyo madaarada Somaliland Duuliye Cabdi Maxamed Rodol iyo wasiirka duulista Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Salaad ayaa bishan waxa ay kulan ku yeesheen magaalada Nayrobi, iyagoo kala hoggaaminaya laba wefti oo tirsan hay’adda duulista Somaliland iyo wasaaradda duulista ee Soomaaliya. Kulankan ay isugu yimaadeen Somaliland iyo Soomaaliya, waxa qayb ka ahaa oo goob-joog ahaa ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya danjire Michael Keating iyo xarunta caalamiga ah ee wada hadalada dunida ee Centre for humanitarian dialogue (CHD), xafiiskeeda Nayrioobi.

Sida uu warku sheegay labada dhinac ayaa ka wada hadlay go’aankii ay hadda ICAO dawladda Soomaaliya ugu gacan gelisay maamulka hawada ee Somaliland iyo Soomaaliya, taas oo ay Somaliland si adag ugu gacan saydhay una cambaaraysay. Labada wefti ee Somaliland iyo Soomaaliya ayaa magacaabay guddi khubaro ah oo ku kulmi doona dhawaan magaalada Nayrobi kuwaas oo ka shaqayn doona sida heshiis looga gaadhi doono khilaafka hawada. Labada guddi ayaa soo diyaarin doona sida loo wadaagi karo masuuliyada iyo dakhiliga hawada looguma maamuli karo si wada jir ah oo heshiis lagu yahay, waxaanay isugu iman doonaan kulan labaad.

Waar markii u horaysay ee ay is horfadhiistaan wufuud ka kala socota Somaliland iyo Soomaaliya, ka dib markii ay Somaliland hakisay wada hadal qorshaysnaa inuu Djibouti ku dhex maro Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo, ka dib markii ay dawladda Soomaaliya weerar diblomaasiyadeed kaga jawaabtay heshiis saddex geesood ah oo ku saabsan dekedda Berbera oo dhex maray Somaliland, Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya.  Madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa u muuqda ama la aaminsanyahay inay la socdeen kulanka dhex maray wasiiradan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here