Somalilad Diyaaradaha Qatar Hawadeeda Kama Celin Karto!Dawlad Xasan Cilmi

0
813

Somaliland go’aankay ku gaadhay in ay xulafada sucuudiga la safato Qatarna xidhiidhka ujartaa waa mid ay danteeda ka aragatay oo sax ula muuqday , haday tidhi hawadayadana cid aan ruqsad ka haysan ma isticmaali karto ,  Su’aasha mudani waxay tahay Somaliland ma maamushaa hawadeeeda?.

Jawaabtu waa maya ee hawada Somaliland iyo Somaliyaba waxaa maamula hayada uqaabilsan Qaramada midoobay maamulka hawada sare ee magaceeda la yidhaahdo International Civil Aviation Organization (ICAO) Ee Xarunteeduna tahay  Montreal Canada                                   Marka ay sidaas tahay diyaaradaha Qatar air-ways waxay ruqsad ay caalamka ugu kala gooshaan ka haystaan ICAO.

Somaliland iyo dawlada aynu jaarka nahay ee Somalia midna ma joojin karto diyaaradaha hawadooda isticmaalaya,lamana mucaamaloon karto inta hawadooda lagu soo wareejinayo  , waayo labadoodaba waa loo maamulaa.                                                                                  Somaliland ma kirayso , manaafacaadna kama soo galo khadadka diyaaraduhu maraan ee hawadeeda , balse mudo badan ayay dedaal umuuqda in uu midho-dhali doono ugu jirtay sidii ay uhanan lahayd maamulka hawadeeda,Hawada Somaliland iyo somaliya hada waxaa laga maamulaa caasimada Kenya ee Nairobi.

Somaliland waxay Qatar ujartay xidhiidhkii, taasoo keenaysa in isku socodkii diblumaasiyadeed ee labada wadan ee Qatar iyo Somaliland iyo iskaashigoodiiba uu hakad ku yimaado.                        Somaliand waxay la gawaan-raacday halka ay ubadanyihiin jaamicatul carab , halka siyaasada dawlada somaliyana ay ujanjeedho dhinaca dawlada Qatar

Ugu danbayntii intii ay Somaliland ku dhawaaqday go’aankeeda ku aadan khilaafka Qadar waxa si joogta ah udul-maraayay hawada Somaliland diyaaradaha Qatar air-ways iyadoo maalin walba ay dul-marayeen ku dhawaad  10 diyaaradood  oo ku aadanaa madaarada  Doha,Addis-ababa ,Khartuum,Kambala ,lagos, Johannesburg iyo madaaro kaleba.

Dawlad Xasan Cilmi

Suxufi madax-banaan