Siyaasiyiinta Somaliland

Published on Jan 09 2014 // Columnists, Warar

Marka la eego sooyaalka taariikhda, siyaasadda waynu ku ku guul daraysanay, taas oo macneheedu tahay in hogaaminteenu asqowday.  Ka soo bilow kuwii Xamar ina geeyey ee iyagoo quraac iyo casuumad ku maqan la ansixinayay masiirkeenii; ku xigsii kuwii ka qayb galay kacaankii uu hogaaminayay Afwayne oo ahaa jaahil, laakiin ku dul dhistay awood keligii talisnimo ina geyeysiisay qax iyo xasuuq, iyana ay moodayeen in Soomaali hore u mar iyo cadaalad lala doonayo;  halgankii dhiiga badani ku daatayna mudo soddon sano ah aynaan weli haakah odhon. Faahfaahinta kooxahaas ku dheeraan maayo oo 2008 ayaan ku tilmaamay qoraalkii halhayskiisu ahaa, “Waayaha Dhulkaygiyo anba Maan Dhabtii Helo.” Wuxuu ku bilaabmayay sidan:

 Cinwaankani wuxuu ku farayaa in aad doonto xaqiiqadda qaranimadeena –waayaha adag ee noloshadaadu la kowsatay; shaqo la’aanta, daryeel la’aanta caafimaad, tacliin la’aanta, gasoorka leexsan, gaajada, qaxa, iyo dhibaatooyinka ka dhasha oo ay ka mid yihiin, shaqo xumida, nadaafad daradda magaalooyinka, nafaqo daradda caruurta, daryeel la’aanta dadka waawayn, dhimashadda ka timaada xanuunadda dunidu dawayso rugeheena caafimaadkuse aanay waxba ka tari karin, dilka, umul raaca, iyo weliba dir kala sooca iyo xuquuqda qofeed ee la duudsiyo. Waa waayaha adag ee subax walba ina horjooga!

 Yeynu dembigeeda u xambaarinaa? Xalkeeda ma cid baynu la sugnaa? Wax ma ka qaban karaa? Sidee baynu wax uga qaban karaa? Mudo intee le’eg ayeynu u baahanahay si aynu xal lagu nasto ku gaadhno?

 Jawaabta ugu horaysaa waa ta aynu ku hayirano, waayo markiiba eeda waxaynu dusha u saaraa qofka inoo madaxda ah ama hogaamiyaha. Jawaabtu waxaa weeye jahliga iyo aqoon daradda! Maalin maal ka mid ah anoo maraya Masjid Jaamaca Hargaysa dabadiisa ayaan maqlay qaylo, waxaan jaleecay dhinaca bidix, indhahaygu waxay qabteen dameer jiifa oo labada taayir ee danbe ee Mark II ay dusha ka saaran yihiin, qayladdu waxay ahayd gurmad ay dadkii ku dhawaa ugu hiilinayeen dameerka. Dareewalkii hore ayuu u qaaday gaadhigii halkaas oo lagu badbaadiyey noolihii.

Waxaan iswaydiinayey oo hadday sidaa ugu hiiliyeen dameer maxay danohooda kalena uga shaqayn waayeen? Taasoo noqonaysa xalinta dhibaatooyinka aynu soo xusnay. Gebagebaddii waxay isugu ururtay laba qodob:

Dadkani waxay indhaha ku hayeen dhacdada lafteeda (xogagaal).

Waxay fahmeen tacadiga uu dareewalkaasi u gaystay dameerka.

Intaa haddii aan ku dhaafo qoraalkaas laga joogo shanta sano, weli waynu qaylinaynaa, haddii aynu mid kale dooranana qayladu way iska sii socon. Macnaha garo, aniguba markaan iswaydiiyo halka salaadu ka xidhmi wayday; waxaan isku qanciyaa sheeko ku jirtay buug uu qoray nin faylasuuf ah oo tilmaamay inan yar oo hooyaddii dugsi u dirtay. Markuu soo guryo noqday ayuu hooyaddii u sheegay in uu keligii gartay su’aal macalinkii ardayda waydiiyay. Haye! Waxa nala waydiiyay farasku imisa lugood ayuu leeyahay? Haye! Waxaan idhi saddex lugood. Ba’a, oo hooyo sidaasi ma saxbaa? Miyaad ogtahay kuwii kaloo dhami, waxay yidhaahdeen laba lugood ama mid.

Maxay wadaagaan siyaasiyiinteenu, ee ka dhigay in aan isku mid ku tilmaamo? Mabda’ la’aan. Dhibaatadu waxa weeye in siyaasadda loo fahmay mabda’. Aqoonta la barto qaar badan oo ka mid ahi waa aalad (tool) loogu talo galay in lagu gaadho ujeedo mudan. Xataa qaarkood waxay hoos tagaan aqoon kale oo iyana lagu gaadhayo ujeedaddii mudnayd. Tusaale ahaan, haddii nin dabaal yahan ahi, xeebta Ber-bera u tago dabaal, marba xeesha dabaashiisa iyo nabad gelyadda isagoo eegaya wuu fogaan karaa. Ka soo qaad in uu 500 m horuu socotay dabadeedna soo noqotay. Bar-bar dhig nin kale oo la dabaal ah oo 5 km dooniyi kula qar-qoontay badda dhexdeeda. Maxay ku kala duwan tihiin? Sida markiiba muuqanaysa dee waxa kala fog inta loo baahan yahay dabaasha. Ka hore 1 km ayuu  dabaalanayaa, ka danbena 5 km. Intaas oo qudha ma aha laakiin waxaa kala duwan fekerkooda. Ka doonida waxaa ku mudan in uu bad-baadi karo iyo inkale, waxaanu adeegsanayaa awood ka badan ka kale, hadduu bad baado waxay noqonaysaa sheeko ma hadha ah. Guusha Allaa dhaliyee aadamuhu wuxuu ku suntadaa hawl kar (efficiency.)

Siyaasad mabda’ iyo ujeedo midna aanu la socon waa ninkaas jimicsiga iyo madadaaladdu u gaysay dabaasha, ta ujeedada laga leeyahayna waxa wada karti iyo feker higsanaya yool umadi sugayso, oo waa ninka u dabaalanaya in uu bad baado. Sidaas daraadeed, waxa qudha ee ay ku kala baydhi karaan siyaasiyiinteenu shakhsiyadda sida, aqoonta, aaminimada, kartida, dabeecadda iwm. Qofkii Ilaahay u wanaajiyo waa wax wayn oo keli ahaantiisa meel fiican gaadhsiin karta, laakiin umadi waxay u baahan tahay arimo intaas dhaafsiisan.

Saxaafadda waxaynu ku aragnaa iyadoo si kale loo macnaynayo oo xafladdo loo samaynayo, oo weliba qaar ka mid ah qorayaashu ay halyeeyo ku sheegaan. Kuwaasina waxay ku hantaaqmaan waqdhac (event). Qoraagu isagoo siyaasi maagaya ayuu barbar dhigayaa mid kale oo toban jeer lagu soo khasaaray. Isagoo leh, ninkii hebel berigii arin buu sidaas ka yeelay, iyadoo lagaba yaabo in ay run tahay, hadana imisa kaluu bi’iyey! Waa madal hufin lagu hadimaynayo dhalinyaradda. Mid kasta oo ka mid ahaa kooxahaas aynu soo sheegnay wuu leeyahay guul maalmeed, waa dhacdo, laakiin, gulufkiisii siyaasadeed ma guul buu ahaa mise guul daro?

In aanu mabda’jirin waxaa kuu cadaynaya inta jeer ee ururadeena siyaasadeed la galaa baxo. Inta qof ee marka Somaliland siduu doonayay ka waayo u dhalan dhoolaya Soomaaliya. Inta jeer kii shalay dawladda dhaliilayay markuu madax noqdo hadana aan is bedel muuqanayn. Inta jeer ee kuwii isku ururka ahaa ay muran iskala hor imanayaan, oo midna aanu la soo baxayn wax qoran oo balan ahaa. Tusaale ahaan, reer Kulmiye ayaa is haystay oo lahaa 70% ayaanu fulinay balan qaadkii, iyo qaar kaloo leh waa laysku badhi furay! Buugii miyaan imika la helayn, miyaanse laysla eegi karin?

Mar haddaanu jirin mabda’cidi wadatay kala qaybsanku kama duwana marka ciyaalku kubadda ciyaarayaan ee inta safka dheer la galo la yidhaahdo, adna xagaa u bax adna xagan u soo bax labadii qof ee isku xigaba. Waxay la mid tahay in lagu kala qaybiyay doorasho aan xulayn (random selection.) Marka aad waaqeceena eegto sidan wax baa ka duwan oo inta badan xisbi waliba reer buu u badan yahay. Soo dhaaf xisbiga oo u daadeg siyaasiga. Dhinac kale markaynu ka eegnana reer gulufku cid uu wax u taraa ma jiro, aan qof qof ahayn.

Haddii Ilaah ina gaadhsiiyo waxaynu soo qaadi doonaa laba qormo oo mid aynu ku eegayno dawladda iyo dhacdooyinka hadheeyay, iyo takale oo aynu iyana ku milicsan doono mucaaridka iyo gelefka siyaasadeed.

La soco totobaadka danbe

 

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!