Siyaasiyiinta Somaliland: Yusuf Goodir Maxamed

Published on Jan 16 2014 // Columnists, Warar

goodirQaybtii Labaad

Todobaadkii hore waxaynu si guud uga hadalay siyaasiyiinteena tan iyo lixdankii, oo aynu ku tilmaanay kuwo aan lagu kala qaybin karin mabda’. Sidii balantu ahaydna gooni gooni ayaynu u eegidoonaa dawladda iyo mucaaradka intii Ilaahay inagu simo.

Guud ahaan dawladeena iyo mucaaradkeenaba iyadoo aanay jirin kala duwanaansho la sheegaa ayay hadana adag tahay in ay is fahmaan. Waxaad moodaa in midna il ka cawaran yahay midna guran yahay. Qaylada, isu jawaabka, mudoharaadka iyo joojintiisa wadankan wax badan ayaa kaga luma. Aynu ku horayno dawladda.

Waa dawladdii xisbiga Kulmiye ee doorashaddii bishii Juun, 2010 talada dalka la wareegtay. Waxaan ka mid ahaa dadkii qiimeeyay wax qabadka iyo dhaliilaha dawladda markay laba jirsatay. Qoraalkaygani ma aha qiimayn balaadhan laakiin waxaynu eegaynaa sansaanka ay ku dhamaysanayso xiligeedii, kana tegi maayo warmaha mucaaradka. Saddex sano iyo badh, xaalxaalkii ayaa hadhay.

Dawladda Siilaanyo wadanka miyay dhaxal wareejinaysaa?

Qaranimadda miyay dhidibtay?

Muusuq maasuqu halkuu taagan yahay?

Ma u muuqataa in mar kale xisbiga Kulmiye talada hantiyayaan?

Su’aasha ugu horaysaa waxay la xidhiidhaa qaranimadda iyo aqoon raadiskeena. Intii dawladda Siilaanyo jirtay waxaynu aad uga muuqanay fagaaraha siyaasadda ee caalamiga. Shirarkii London, Dubai, iyo Ankara dhamaantood waxaynu garab taagnayn Soomaaliya oo laynoo arkayay laba wadan oo wada xaajoonaya. Runtii guul bay u ahayd qaranka.

Su’aasha ku xigta jawaabteedu waa isku dhaf. Qaran maxaa lagu dhidbaa ayaa ina hortaal. Maamul wanaag iyo wax qabad. Dhinaca wax qabadka dawladani geesinimo wayn ayay samaysay markii ciidanka qaranka ay huwisay haybadda kala danbayneed. Taasna waxaa ka horeeyay kordhintii mushahaarooyinka 100%. Sarkaal ka tirsan wasaaradda maaliyadda ayaa ii sheegay in tiraba saddex jeer ay wadanka yimaadeen  arday qoraysa buugagta qalin jebinta oo xiisaynaya sida wadan u laban laabi karo mushahaarooyinka uu bixiyo. Dhamaan dawladaha aduunku waxay la tiicayaan tabaalada dhaqaalaha ee loo yaqaan isdhin kharash (budget deficit), oo ay ku lamaan tahay waxa loo yaqaan qaan/kicis (debt/bankruptcy), xiliga fogna qaantaasi dabarto hore u marka. Somaliland waxay ka badbaaday in isdhin kharash ku yimaado, laban laabka ka sokow. Waad odhon kartaa dee cashuurtii ayay laban laabtay ama ka sii badisay! Sida runtu tahay hore u marka waxa ku jira in dawladi kari karto in ay cashuurta uruursan karto.

Dhakhtarka Guud ee Hargaysa waxa la keenay qalabka lagu nadiifiyo kelyaha, iyo weliba dhakhaatiir ajanebi ah. Dawladdu waxay ilaalin iyo dayac tir ku samaysay hantidii qaranka gaar ahaan dhismayaashii dawladda, iyadoo weliba qaar cusub oo qurux badana ku dartay. Waa markii ugu horaysay ee Somaliland laga sameeyey laami aan tuuro lahayn. Waa markii ugu horaysay ee wadanka  laga sameeyo sahan biyeed baahsan. Inkasta oo UN-tu bixisay kharashka hadana maamulka iyo khubaraduba waxay ahaayeen Somalilanders. Dawladda Silaanyo waxay soo iibisay oo rakibtay ilaacad qaran taasoo laga dhegaysan karo dhul durugsan. Dugsiyadda hoose oo ardaydii laga dhaafay lacagtii laga qaadi jiray. Guud ahaan, haybadda dawladda Axmed Siilaanyo way widhwidhaysaa. Wasiiro iyo agaasimayaal madaxtinimo ka muuqato.

Dhinaca taban hadaynu ka eegno qaran waxaa laga abyaa dhinaca garsoorka dawladda Siilaanyo way ka gaabisay in ay amba qaado hanaan garsoor oo hufan. Xafiisyadda dawladdana meelo badan oo ka mid ah weliba kuwa mudan waxa runduda shaqaale aan taab riixi karin farsamo daro daraadeed. Wax barashada dugsiyadda lacag la’aanta laga dhigayna waxaa ku huursan tayadda wax barashadda oo aad u liidata.

Dawladda hab dhismeedkeeda waxaa ku jira kala xadayn la’aan. Tusaale ahaan, saddex wasaaradood ayuu la socdaa erayga “caalami,” taas oo la imanaysa dar jiidhis iyo isku dhac. Waxyaabaha ay muwaadiniintu ku eedeeyaan dawladda Silaaanyo waxa ka mid ah in aanay bedelin dabeecaddii labadii nin ee ka horeeyay lahaayeen, oo dakhliga dawladda qayb ka mid ahi aanay marin khasnadda dawladda. Sidoo kalena, hanaanka loo maamulo qandaraasyadda iyo soo iibinta ayaan gebi ahaanba waafaqsanayn hab xisaabeed maamuus leh. Guul baynu ku tilmaanay in dawladdu laban laabto dakhligeeda, laakiin ma jirto xisaab xidh tibaaxaysa sida ay u baxday oo miisaaniyad sanadeedka lagu soo xidhaa. Ilaacaddii aynu islahayn Af-soomaali xumadda BBC-da ayaa lagaga nasanayaa ma taabo helin.  

Dhacdadii biyaha ee Hargaysi waxay ahayd kuwa dawladuhu ku hayirmaan. Baahiyaha aas-aasiga ah in la kabo mooyee, lama garoocdo, waxaana loo baahnaa in wasaaradda maaliyadda iyo arimaha guduhu ka wada hawl galaan dejinta arintaas. Wadanka waxaa ku soo badanaya dadka shisheeyaha ah oo aan wacyi gelin la siin, isla markaana u muuqda in aan hoosba loo eegin. Waa maxay sharciyadda ay ku joogaan? Maxay u joogaan? Ma qaadi karnaa culayskooda? Siday u dhaqmaan? Runtii qaar badan oo ka mid ahi waxay shaqaddii ka qaadeen muwaadiniinta, gaadhsii ilaa xoogsatada.

Aan u gudbo su’aasha ugu danbaysa oo ah in xisbiga Kulmiye markale guul ka gaadhi karo hogaanka wadanka? Waa gacan uur ku jirta. Saddex arimood ayaynu ka bidhaamin karaa. Ugu horayn xisbigu wuu foolanayaa, sida laga bartay foosha nooluhu waa guul, laakiin ta xisbiyadeenu waa kala xayasho. Markii horeba xisbiyo may ahayn ee xiro nin ootay ayay ahayd, oo xoog iyo xoolaba kaga baxeen, oo siduu u lahaa “oohow..oohow.” uu ku xiiqay. Waynu ogayn waayihii sirgacnaa ee ninba nin qalacay dabadeedna jiscintay xisbigii Udub. Ucidna Faysal baa yidhi dukaanka iiga soo dareera. Siilaanyona maalintii dhawayd ee uu Itoobiya ka soo noqday wuu soo hankaabsaday. Inkasta oo ay ku xidhan tahay farshaxanimadda xisbiga Kulmiye guul ay isku raacaan hadana foosha xisbiyadeena siyaasadeed ma saadaal fiicna.

Qodobka labaad ee muhiimka ah waa in hanaanka wax qabad ee dawladda Siilaanyo is bedeshaa. Taasina waxay ku iman kartaa ku dhaqanka hanaanka dawlad wanaaga. Bulsho hore u markeedu wuxuu ku xidhan yahay sida loo abyo, loona maamulo miisaaniyadeeda. Hadaan madaxwayne Siilaanyo ka hawl gelin baahida ku mudan bulshada oo aanay haakah odhon hadal ma furra. Caafimaadka wax ma ka qaban kartaa, gaar ahaan dadka u dhinta dacdaradda (negligence)? Tayadda waxbarashada dugsiyadda dawladda sidan ma loo dhaami karaa? Garsoor dhakhso badan dawladdu ma hidin kartaa? Miyaan muwaadiniinta maxkamadaha hor tuban la waydiin karin inta ay soo noqnoqonayeen? Inamadan yar-yar ee Noeha-da toocinaya miyaan la odhon karin aayara? Ajanebigan intay soo galaan baayacmushtarka iska furanaya ee waraaqaha deg-dega loogu samaynayo, shaqaalohoodiina wata, kumaa yidhi waa dan? Kuwan Afrika iyo Aasiya ka soo shaqa tegay ee tujaarteenu wataan, kumaa yidhi waa dan? Kumaa yidhi danteenuba waa shisheeye?

Ka ugu danbeeya in Kulmiye guulaystaa waxay ku xidhan tahay cidda la tartamaysa, oo aan soo sheegay mar haddii aan mabda’ lagu kala duwanayn in aan taako lays dheerayn.    

La soco totobaadka danbe iyo gelefka mucaaradka

 

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!