Siyaasiyiinta Somaliland. Prof Yuusuf Goodir Maxamed

Published on Jan 23 2014 // Hambalyo

goodir33Qaybtii Saddexaad

Sidii aynu ku balansanayn waxaynu halkan ku faaqidaynaa mucaaradka. Marka la eego hanaanka siyaasadeed ee Somaliland mucaaradku waa xisbiyadda mucaaradka, siyaasiyiin madax banaan, iyo qayb saxaafadda ka mid ah. Guud ahaanse in mucaarad la noqdaa waxay ku qurux badan tahay in ujeedo laga lahaado. Kolay waynu soo sheegnay in aan mabda’ jirin, markaa teenu dano gaar ah ayuun bay noqonaysaa sida loo badan yahay. Dantaasina hubanti waxay ku magooli kartaa iyadoo la jaan qaada ta qaranka. Mucaaradnimadda waxaa kaloo qurux u yeela hadba cidaasi sida ay doonayso in ay u muujiso diidmadeeda. Tusaale ahaan, haddii ay doonayso in ay maamulka hogo tusaalayso way ka duwan tahay haddii ay gal daloolooyinkiisa u mariso saxaafadda iyo dadwaynaha. Marna waxaad doonaysaa in umadda nolosheeda wax ka bedesho, marna waad is muujinayso si aad markaaga caynaanka u qabado.

Guud ahaan, mucaaradka Somaliland wuxuu u hawl galaa si mutuxan, waxaanay u muuqatay in uu ka gaabiyay kaalintiisii. Eedaynta dawladda Siilaanyo loo jeedinayay waxay u badnayd dhawr wasiir, oo loo macnaysan karo intii ka badnayd in ay shaqadoodii gudanayaan. Taasoo u muuqanaysa in dawladdu si quman u hawl gasho. Tusaale ahaan, lagama hadlo baahiyaha badan ee bulsho taas oo debedda soo dhigi lahayd sida ay dawladdu uga gaabisay. Waayo, marka horeba ma jirto cid dan u madeed ka duulaysaa xisbigay doonto ha ku jirtee, mar labaadkana xirfaddii lagu muujin lahaa lama hayo, oo bulsho ahaan waxaynu noqonay mid dibnaha dirata.

Mucaaradku waxay ahayd in ay ka hadlaan ama ka mudaharaadaan dhibaatada caafimaad ee ka iman karta sunta hargaha loo adeegsado oo gaadha dadwaynaha jilicsan, iyo meelaha laga cabo; isbitaaladda wadanku sidee bay u baahi tiraan dad waynaha buka; Deeqaha wax barasho sidee loo qaybiyaa? Macdanta wadankeena miyaa layska gurtaa? Dhulkii waxaa ootay tiro yar. Ma qof la xidhay baa loo qaylinayaa, mise xal ma guuraan ah baynu doonaa -toosinta garsoorka; ma inta muuqanaysa ee magaca leh ee doodi karaysa, ayaynu u doodnaa mise islaan aan cid lahayn oo baloodhkii ay ku jirtay laga qaaday! Mid kalaa jirta oo maalin walba maxkamadda ku soo kalahda miyaynu waraysanay? Hanaanka miisaaniyadda mid dhaanta miyaa tilmaanteen?

Dhacdooyinka Somaliland diidka ah ee wadanka ka dhaca cidina kama hadasho. Tusaale ahaan, Magaaladda Hargaysa waxa ku taal jaamacad uu leeyahay nin masuul ka ahaan jiray Soomaaliya oo fagaarayaal ka yidhi “wax Somalilad la yidhaahdaa ma jiraan.” Haddii dawladdu maqli wayday ama ay ka gaabisay waajibkeedii, mucaaradkii mee? Hay’adaha UN-tu wargaysyadeena markay shaqooyinka ku xayaysiinayaan waxay ku qoraan Somalia, oo hadana ay sheegayaan in Hargaysa laga shaqaynayo! Sababtee? Ciideena cidkasta oo inoo timaadaa marti bay inoo tahay, haddii ay ina ixtiraami waayaan, waa in ay dareeraan, laakiin cidi kama hadasho.    

Erayga afku ka bartay siyaasiyiinteena waa laga wada siman yahay –“walaaleheen,” marka reer Soomaaliya la tilmaamayo, halkii aad ka hadli lahaydeen idina waa la wadaagtaan dawladda. Weli maydinaan soo qaadin kala korka dhaqaale (income inequality) ee goboladda Somaliland. Dhacdooyinka aan soo tilmaamay sheegistoodu waa waajibaadka saxaafadda, mucaaradka iyo cid kasta oo wadanka u damqanaysa. Qaar ka mid ah maamulayaasha saxaafadda ayaa sidii niman danjirayaal siyaasadeed u dooday danaha Itoobiya ee ay ka leedahay Somaliland. Hab dhaqanka sidaas ahi wuxuu halis ku yahay qaranka Somaliland iyo cida aragtidaa xambaarsan oo loo yaqaan khaa’inul wadan (high treason.)

Waxaan dul maray qodobaddii dhawr iyo tobanka ahaa ee ay soo saareen golihii wada tashigu. Kuwa ugu waawayn waxaa ka mid ahaa gooni isu taagii oo mad madow la geliyay; taladii dalka oo gacanta u gashay shakhsiyaad aan loo igman; musuqmaasuq iyo hanti boob. Siyaasiyiintaasi waxay codsanayeen in  ay dawladdu timaado shir arimahan lagaga wada hadlo oo ay iyagu qabtaan (markii hore.) laba siyaabood ayuun baa loo qaban karaa shirkan oo kale. In uu waafaqsan yahay hanaanka dawliga ah, iyo ka labaad oo ah in dawladu u muuqato in ay jebisay sharcigii iyo tasduurkii amaba hawl gabtay, sidaas daraadeedna, loo baahan yahay badbaado qaran. Hadaba go’aanadani dastuurka iyo sharciga midna ma waafaqsanayn, waayo shaqadan waxaa leh golayaal qaran. Mar labaadka waxay ka turjumayaan dawlad, golayaal iyo xisbiyo hawshoodii gabay, waana qodobka labaad.

Waxaa loo baahnaa mudanayaashaasi in ay badheedhaan oo yidhaahdaan, wixii aynu dooranay oo dhami way fashilmeen, dib ha laysu abaabulo isla markaana ay ku talo galaan in ay dawladda ridaan. Waayo, mar haddii qodobadaasi u muuqdeen, wax hadhsanaa ma jirin. Kooxdani waxay ahaayeen kuwa aan dhaadin (naive,) hanaanka  dawladnimo, waayo, ma duniday ka dhacdaa nin madaxwayne ah oo la leeyahay ma talisid oo koox dadkiisa ka mid ah iska soo hor fadhiista, xataa haddii ay jirto. Dadka fekerkan qabay laftooduna hore umay muujin in sidan oo kale loo dhaqmo.

Ugu horayn waxay ahayd in ay helaan wadiiqo sharciya (in ay xisbi ku biiraan ama talada ku wareejiyaan). Hawshan ay galeen waxa lahaa baarlamaanka. Ugu danbayntii xisbiyadda ayay ku wareejiyeen, kuwaas oo ku adkaystay in ay shirka qabtaan. Marka shirka la qabto ee wixii la doono laga yidhaahdo, dabadeedna! Gudoomiyaha xisbiga Wadani waa Gudoomiyaha Golaha wakiiladda hala ma yeelin. Cabdirahman, intuu golihii xooga badnaa ee uu u ariminayay ka tegay ayuu la hawl galay siyaasiyiin dhufays waayay, halkii uu u gacan haadin lahaa. Nuxurka qodobaddu waxay tilmaamayeen xasaanad ka xayuubin (impeachment.) Hawshaana xisbi ma lahayn ee Golaha Wakiiladda ayaa lahaa.

  Umad aan qorshe lahayni waa wed  la kulan. Maantana waxay hawshu joogtaa qodobka sagaalaad ee heshiiska Turkiga. Runtii lama aqbali karo, waayo in laysku keen daro meel ka dhac bay ahayd. Mar labaadkana, marka la eego dhibaatadii ina gaadhay erayadda meesha lagu xusay uma qalmaan. Su’aasha muhiimka ahi waxa weeye dib u gurasho sidaynu u samayn karnaa?

Qoraalkii Siyaasiyiinta Somaliland wuu iga dhan yahay, laakiin waxa iswaydiin leh: maxaa sababay in Siyaasiyiinteenu hogaanka umadan kooban ku guul daraystaan? Ma siyaasiyiinta oo qudha ayay keli ku tahay mise way baahsan tahay? Hadii sidii aan soo tilmaamay arin yahay, miyaynu ka duwan nahay reer guuray oo aan loo sahan tegin? Miyaan taariikhdeena dhawi inoo markhaati furayn? Dimuqraadiyad ayaynu qaadanay hadana qabiil baynu xisbiyo u samaysanay, miyaanay markhaati ahayn? Jiilasha soo socdaa maxay la shir imanayaan? Waayo, duruufahanna way ku koreen, tacliinteenuna aad bay uga liidataa, tii ay soo mareen qolyahan aynu marba mid hiifaynaa. Waxaynu u dhaxaynaa laba xoog oo hirdamaya, mid waa ka wax baabi’inaya oo uu horseed ka yahay, qaadku, hay’adaha, iyo ajenebiga aynaan waxba u sheegin ee isu qayshanaya, waxa ka horjeeda dedaalka aynu wadno oo marka laysku soo duuduubo noqonaya la legdanka (crisis management.) duruufaha bal eeg wasaaradeheena, jaamacadeheena, ganacsigeena, iwm. Ma cid baa inoo maqan?

 

Dhamaad

Ygoodir2008@hotmail.com

 

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!