Siyaasiyiin Ka Hadlay In Ka Bixitaanka Ingiriiska Ee Midowga Yurub Saamayn Siyaasadeed Ku Yeelan Karo Qaddiyadda Madaxbanaanida Somaliland

0
472

Hargeysa(Geeska)-Siyaasiyiin reer Somaliland ah oo aqoon durugsan u leh xidhiidhka caalamka iyo diblomaasiyadda, ayaa ka hadlay saamaynta uu Somaliland ku yeelan karo ka bixitaanka uu Ingiriisku ka baxay Midowga Yurub.

1

Danjire Xuseen Cali Ducaale (Cawil) oo in badan ahaa diblomaasi iyo Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo ahaa wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland, ayuu Wargeyska Geeska Afrika weydiiyay bal saamaynta uu ka bixitaanka Ingiriiska ee Yurub ku yeelan karo Somaliland.

Danjire Cawil

Ugu horayn Danjire Xuseen Cali Ducaale Cawil, ayaa isagu wuxuu tilmaamay in in xisbiga Conservative ee Ingiriisku uu dan u yahay dalalkii Afrika ee uu Ingiriisku xukumi jiray, wuxuuse Danjire Cawil soo dhaweeyay inuu meesha ka baxdo raysalwasaare David Cameron oo uu ku tilmaamay nin siyaasiyan taageera dawladda Somaliya, waxaanu Cawil yidhi  “Horta marka hore dalalka Afrika ee uu Ingiriisku xukumi jiray, waxa u fiican oo wax tar badan u ah xisbiga conservative-ka markay xukuumadda yihiin, waayo xishigaasu wuxuu aaminsanyahay xidhiidhka taariikheed ee ka dhexeeya dalalkaas iyo Ingiriiska.”

Cawil oo soo xiganaya kulan dhex maray General Maxamed Cali Samatar oo madaxweyne-xigeen u ahaa Siyaad Barre iyo raysalwasaarihii Ingiriiska ee dhawaan geeriyootay Ms. Margaret Thatcher, wuxuu yidhi “Ta’ labaad markuu General Samatar tagay Ingiriiska isagoo madaxweyne xigeen ah, markuu la kulmay haweenaydii raysalwasaaraha Ingiriiska ahayd Margaret Thatcher , ee uu  socday dagaalkii u dhexeeyay SNM  iyo Maxamed Siyaad, waxay ku tidhi madaxweyne xigeen dalkan [Somaliland] ay dawladaadu dagaalka kula jirto waxa naga dhexeeyay xidhiidh taariikhiya haddii aanu nahay dawladda Ingiriisak, aad ayaanu uga xunahay waxa meeshaas ka socda, waxaan u diray Wasiirkayaga khaarajiga Sir Jeffrey Howe magaalada Jabuuti si uu halkaas uga jeediyo sida aanu uga xunahay dagaalkaaas,. Wasiirku magaalada London ayuu ka jeedin kari lahaa dareenka dawladayda ee ku waajahan dagaalkaasi, laakiin waxaan doonayay inuu dareenka dawladdayada kaga dhawaaqo meel u dhow meesha uu dagaalku ka socdo oo jabuuti ah. Wax hub ah maanu siin SNM sidaan hadalkaaga ka dhandhansaday laakiin waxaanu u fidinay magan gelyo siyaasadeed madaxda SNM iyo dadka ka oo jeeda Somaliland, arrintaas oo waajib na saaran ah. Markaas  inuu David Cameron meesha ka baxdo shakhsiyan waan soo dhawaynayaa oo dhex inoomuu ahayn inaga iyo Somaliya, wuxuu taageero xoogan oo siyaasdeed la garab taagnaa dawladda Somaliya, halka inaga aanu marna kelmad taageero ah inoo odhan. Xataa Baratakoolkii Ingiriiska lagu yaqaanay wuu jebiyay oo safiirka uu Muqdisho u diray markii uu waraaqaha aqoonsiga dhiibayay waxa dhinac taagnaa xoghayaha arrimaha dibadda ee Ingiriiska. Markaas waad arkaysaa sida uu u taageersanaa dawladda Muqdisho, waxaanan aaminsanahay inuu iman doono raysalwasaare dhex u ah Somaliland iyo Somaliya.”

Cawil oo abaaraya jawaabta su’aasha in ka bixitaanka Ingiriiska ee Midowga Yurub ay Somaliland dani ugu jirto, wuxuu yidhi “Ka bixidda UK ee Midowga  Yurub, waxay faa’iido inoogu tahay uun David  Cameron oo meesha ka baxay,  waxaana loo baahanyahay inaynu sugno oo aynaan mala awaalin ilaa aan ogaano qofka bedelaya David Cameron oo markaas eegi karno dhinaca ay siyaasadiisu u jihaysantahay.”

Dr. Maxamed

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, oo uu isagana Geeska Afrika weydiiyay saamaynta ay Somaliland ku yeelan karto ka bixitaanka Ingiriiska ee Midowga Yurub, ayaa isagu wuxuu sheegay in talaabadan ay bulshada Ingiriisku qaaday dani ugu jirto qaddiyadda Somaliland “Somaliland waxay kula doodi kartaa Ingiriiska oo xidhiidh ahaan ay Somaliland isku fiicanyihiin in mar haddii idinkuba markii ay dadkiinu u codeeyeen inaad ka baxdaan Midowga Yurub, aad ka baxdeen. waxaanu doonaynaa in la ixtiraamo mawqifka iyo go’aanka shacabkayaga ee la soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland.” sidaas ayuu yidhi Dr. Maxamed, oo intaas raaciyay “Dhinaca kale talaabadani waxay keeni kartaa in Scotland oo doonaysay in Yurub lagu sii jiro ay mar labaad afti ay ku doonayso inay kaga baxdo UK ay abaabusho haddii Ingiriisku heshiis miisaan leh oo cusub la geli waayo Yurub. Haddii markaas Scotland ku guulaysato inay ka go’do UK ama wadamo kale sida la filayo ay ka baxaan Midowga Yurub. waxay dariiq cusub oo wanaagsan u furaysaa  aqoonsiga madaxbanaanida Somaliland.”

Dr. Maxamed Cabdillaahi, wuxuu  aaminsanyahay in go’aanka Ingiriisku uu jid cusub oo wanaagsan u yahay Somaliland  “Waddo cusub oo siyaasadeed ayaa u furantay Somaliland oo ka timid wadan si wanaagsan u yaqaana qaddiyadda Somaliland. Ka midho dhallinteedu waa hawl Somaliland u taala doorashada 2017 ka dib.”

Dr. Maxamed Cabdillaahi, wuxuu sheegay in go’aan ka gaadhista qaddiyadda Somaliland ay dawladda Ingiriisku ka hortaagnayd xeerarka Midowga Yurub, waxaanu yidhi  “Dawladda Ingiriisku inay hormuud ka noqoto qadiyadda Somaliland waxa ka hortaagnaa mawqifka Midowga Yurub oo xanibay. Mar hadday taasi meesha ka baxday fursad

diblomaasiyadeed oo cusub baa halkaas uga furantay Somaliland.”