Siyaasi Xarbi Oo Wasiirka Dalxiiska Ku Eedeeyay Inuu Bacad Joojiyay Dad Baro-Kacayaal Ah

0
907

Hargeysa(Geeska)-Siyaasi Maxamuud Cabdilaahi Xarbi oo ka mid ah masuuliyiinta xisbiga mucaaradka ah ee Waddani,ayaa wasiirka dalxiiska ku dhaliilay inuu dad qaxoonti ah uga faa’idaystay arrimo ollolaha la xidhidiha isla markaasna aanu waxtar buuran gaadhsiin.

Siyaasi Maxamed Cabdilaahi ayaa sida oo kale wasiirkan ku duray inuu Baligubadle ka taageeri kari waayay ceel biyood riiga ah ee laga wado isla markaasna uu sheegtay keenitaanka riigaas, waxaan masuulkan oo warbaahinta Hargeysa kula hadlaayay uu yidhi “Khadar waxa uu soo kaxaystay  hay’adda world vision waxa uu soo qaatay inyar oo huudheedh ah oo kabo iyo dhar isugu jirta, waxa uu ku yidhi waxaan idiin sidaa taakulo ay barakacayaashu leeyihiin ee kaalaya, waxa intaas raacda riiggan aad leedahay meeshaan ka taagay haayada Al-khayriya ayaa riiga leh kharashka ku baxay ee sodonka kun ee doolar ahna bulshadaa dibada iyo gudahaba soo ururiyay oo bixiyay wax dawladu leedahay oo aad keenatay ma jiro, in dadka loo sheegay wax aan jirin aad ayaan uga yaq yaqsooday, walaan ku dhaartaye barakacayaal bakhtiyaayay ayay ahaayeen waxa calamaanta hareeraha lays kala taagay ee inta deeq yar oo world vision ah inta la siiyay la yidhi Kulmiye ayay taageerayeen.”

Mr. Xarbi wuxuu ka digay in la siyaasadeey deeqaha ay hay’aduhu geeyaan gobalka hawd oo looga faa’iidaysto dano siyaasadeed, sida deeqdan hay’adda world vision oo kale.