Siyaasi Xamse Ciise Oo Ka Baxay Xisbiga KULMIYE, Kuna Biiray Waddani

0
803

Hargeysa(Geeska)-Xamse Ciise Cabdi oo ahaa xoghayihii ugu horeyey oo madaxweyne Axmed maxamed  Maxamuud Siilaanyo u magacaabo gobolka Maroodi jeex  ayaa si rasmi ah iskaga casilay xisbiga kulmiye oo uu ka tirsanaa 7 sano oo mucaarid  ah iyo iyo lixsano iyo badh uu ahaa Xoghayaha guud Gobolka M, jeex.

Xamse wuxuu sheegay inuu iska casilay KULMIYE, kuna biiray Xisbiga Wadani,Xogahaye xamse Ciise cabdi oo ka hadlaaya is casilaadiisa waxa uu yidhi,  waxi aan isku casilay hadii aan ka waramo waxa ka mida xisbigii uu Madaxweyne siiraanyo uu markii  hore  gadhwadeenka ka ahaa waxa qaaday wado qaldan oo waxa uu noqday xisbi u dhisan sidii hagbad oo kale  oo ay reero leeyihiin waana arin ceeb ku ah Dimuquradiyada iyo dhaqanka Somaliland oo waad arkayseen shirkii habeenkii dhawayd  burco ka dhacay hab beeleed aya layskugu wareejinaayey, waxaanad mooda in tubtii xisbiga ee madaxweyne siilaanyo laga leexiyey, oo uu qaaday wadadii guul Darada taas waxa kuu cadaynaaya nidaamka Qabyaaladaysan  ee xisbga kulmiye wax ku doonayo, taasina maaha mid u cuntamaysa Shacbi weynaha Somaliland waana mid dhabar jab ku ah  Dimuquraadiyad Somaliland ee Curdinka, waxanan leeyahay Xisbiga Kulmiye guul laguma gaadhaayo nidaamka ku kooban labada beelood oo kaliya waxaanad Qaadeen wadadii guul darada.”