Siyaasi Ka Tirsan Waddani Oo Quudhsi Ku Tilmaamay Lacagtii Ay Somaliya Ugu Deeqday Somaliland

Published on Jun 10 2018 // Warar

Hargeysa (Geeska)-Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed (Daamuur), oo ka mid ah masuuliyiinta iyo hogaanka sare ee Xisbiga Waddani, ayaa ka hadlay lacagta ay dawladda Soomaaliya ugu deeqday dadkii ay duufaanadu waxyeeleeyeen ee Somalialnd.

Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed (Daamuur), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa yidhi “Farmaajo isaga oo dagaalkan inuu dhinac yahay lagu eedaynayo ayuu Somaliland u soo diray lacag isagoo oo aan la hadlin, Hiiran iyo Gobol kale oo Somaliya ah ayaa iyana lacagtan oo kale la siiyey, lacagta la bixiyey Farmaajo daacad kamay ahayn, ee qorshihiisa ayaa ahaa in Gobolada Waqooyi Galbeed iyo Hiiran lacag la siiyo, lacagtaasna waa la siiyey, Somaliland, waxa se nasiib daro ah in Wasiir Sacad Cali Shire,inuu caadi ka dhigo lacagtan la inagu khaldayo, waxaana qabnaa waliba in lacagtan shuruudo lagu xidhaayo, halkan million ee la ina siiyey wuxuu ahaa cad quudhsi, cadka quudhsiina lama qaato, ee inaynu iska dayno ayey ahayd”.

Siyaasi Daamur ayaa mar uu ka hadlaayey Kootada ayaa yidhi “Anagu Xisbi ahaan Kootada waanu ogol nahay, horena waanu u soo jeedinayey, ee Bilshada la takooray, ee Siyaasada lagu takooray,l ee dhaqanka lagu takooray, ee deegaanka lagu takooray, ee mar haddii la yidhi Siyaasadii takoorka waa laga saaraya, waxay ahayd in loo kordhiyo, laakiin saddex xubnood oo kaliya, Beesha Gabooyena waa Beel balaadhan, ee xubnahaas la siiyey maaha wax u qalma, ee waa in looga kordhiyaa”.

 

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!