Siyaasi Jirde Oo Sheegay Inuu Iska Casilay Xisbiga Waddani

0
510

Hargeysa(Geeska)-Xoghaye ku xigeenkii arrimaha gudaha ee xisbiga Waddani siyaasi Jirde Maxamed Faarax ayaa iska casilay xilkii iyo xubinimadii xisbigaas.

Mr. Jirde, oo shalay saxaafadda la hadlay wuxuu sheegay inaanay jirin dawlad ama xisbiga KULMIYE oo ka qayb qaatay inuu ka baxo xisbiga Waddani, balse uu go’aansaday shakhsi ahaan inuu xisbigaas ka baxo,  “Koox yar oo gaar ah oo si gaar ah iyo wakhti gaar ah wax u fulisa ayuu xisbigu u af duubanyahay, markaas xisbi inaanu ahayn ayaan halkaas ka arkay, guddoomiye Cabdiraxmaan waa nin wanaagsan oo akhlaaq wanaagsan, anigu waxaan qabaa in isaga laftiisu imika af duubanyahay.” ayuu y idhi Jirde oo intaas raaciyay “Markaas inaan ka cudur daartay xilkii iyo xubinimadii xisbiga Waddani ayaan halkan ka cadaynayaa anoo ah xoghaye ku xigeenkii arrimaha gudaha ahna xubin golaha dhexe ah.”

Jirde, oo la weydiiyay inuu ku biirayo xisbiga KULMIYE, wuxuu yidhi  “Wixii horta la tabanayo in la isu sheego way wanaagsantahay, horta anuu nin dhaqaale u baahan ma ihi oo nin ganacsade ah ayaan ahay, Alle mooyee cid kale oo aan u baahanahay ma jirto, anaa is maamula oo go’aankayga leh, kulmiyena iima iman, xukuumadina iima iman, anaa markii horena goostay inaan tago Waddani imikana ka tago.” ayuu yidhi Jirde.,