Siyaasi Geeljire Iyo Aragtidiisa Xeer Saxafadeed Cusub Oo Ay Xukuumadu Samaynayso

42
3772

Hargeysa (Geeska)-Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), oo Xukuumaddu hore ee Axmed Siillaanyo, ka soo qabtay xilalka Wasiirnimo ee Wasaaraddaha Warfaafinta iyo Kalluumaysiga, kana tirsan Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye ayaa ka hadlay xeerka cusub ee Wasiirka Warfaafintu sheegay in loo sameeynayo Saxaafadda,iyadoo Xeer hore jiray, waxaanu tilmaamay in dalku yahay Dimuqraadi, wixii xeer ah ee la sameeynayana loo baahan yahay in lagala tashado cida ay khuseeyso, waxaanu ku taliyey in haddii la sameeynayo xeer Saxaafadeed in lagala tashado saxaafadda.

Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale tilmaamay in Saxaafaddu tahay codka shacabka aan hadli karayn, waxaanu ku taliyey in xidhiidh wanaagsan iyo wada shaqeeyan fiican yeeshaan Saxaafadda iyo Xukuumaddu, waxaanu ugu horeyn uu yidhi  “Xeerka waa la sameeyn karaa, wax baa lagu kordhin karaa, waa la bedeli karaa, mid cusub baa la sameeyn karaa, inta kuwii hore la daadiyo, waxay se ku xidhan tahay in Barlamaanka iyo Xukuumaddu iyo Muwaadiniintu siday uga wada shaqeeyaan, ilayn xeerarka waa laga wada shaqeeyaaye, Xeerka Saxaafaddana waligiiba muran baa ka taagnaayo, waxa la odhan jiray, wax baa ka dhi-dhiman xagga Masuuliyadda Saxaafadda lafteeda, oo fikiradaha dadka qaar ayaa yidhi wax baa ka dhiman, oo marar badan baa la diyaariyey xeerar cusub”.

Cabdilaahi Geel-jire mar aanu wax ka weydiinay sida uu u arko iyadoo Xeerkii Saxaafaddu jiro in la yidhaahdo Xeer cusub oo Saxaafadeed ayaa la sameeynayaa ayaa ku jawaabay “ Xeerka waa la sameeyn karaa, laakiin marka la sameeynayo waa in lagala tashadaa cida loo sameeynayo, Wadanku waa Wadan Dimuqraadiye,mar walbana wey haboon tahay  cida wax loo sameeynayo in lagala tashado Saxaafadduna Wadanka ayey ka mid tahay, oo walibana rukun muhiim ka tahay, cida loo sameeynayaana waa iyaga, hab loola tashadaa wey jiraan ama ururadooda ayaa lala tashadaa, oo ururka Solja iyo ururo la mid ah ayey leeyihiin, ururadaas oo ka qayb gala oo Saxaafadda matala, oo Wadanka wax u dan ah ayaa la doonayaa, xukunku maaha in cirka laga  soo ridee, ee wax la fulin karo oo nidaam leh, Dimuqraadiyada iyo Dastuurka aan wax yeelayan ayaa haboon in la sameeyo, oo wixii la isla og yahay ayaa la sameeyn jiray”.

Geeljire ayaa mar uu talo u soo jeediyey Saxaafadda iyo Xukuumadda ayaa yidhi “Masuuliyiinta Xeerka wata waxay ka damacsan yihiin ayey ku xidhan tahay ee iyadu sameeynaysa, had iyo gooraale cida xilka haysa waxba uga jeedaan, oo had iyo goor waxbay hagaajinayaan ayey is leeyihiin, markaas waa la isla eegayaa, saxaafadduna waa muhiim oo rukumada ay Dawladnimadu ku taagan yahay ayey ka mid yihiin, iyagana masuuliyad baa saaran, mar walbana waa inay iyana nidaamka iyo anshaxa ilaaliyaan, waana inay xidhiidh wanaagsan la yeeshaan Wasiirka iyo  Golayaashaha kala duwan ee Dawladnimada, oo walibana sharcigana ku ilaaliyaan qudhooda, sababtoo ah iyagu waa codka shacabka aan hadli karayn”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here