Siyaasi Cabdiqaadir Obsiiye Oo Bulshada Iyo Xukuumadda Baaq U Diray

0
500

Hargeysa(Geeska)-Siyaasiga C/qaadir Cali Obsiiye oo sheegay in uu xukuumada u hayo qorshe ay Sixir Bararka  waxa kaga qaban karo, waxaanu yidhi “marka hore waxaan ka hadlayaa diiwaan galinta  oo ka bilaabmatay gobolada saaxil iyo ceeri gaabo oo la sheegay inay si wanaagsan u socoto ilaa hada sida lagaga waramaayo waanan ku hanbalyeynayaa dadweynah waxaan leeyahay waa jaaniskiinii ee ka faaiidaysta waxanan leeyahay si wanaagsan u qaata  waxa kale oo aan idinku baraarujinayaa asxaabtan qaranka ee meesha yaacaysa ee la sheegayo kaadhadhkii ayey iibsanayaan oo way idinka xaraysanayaan haku badalanina masiirkiina shilling yar oo aan waxba idiin tarayn ha siisanina , waxaan hore uga Hadley oo imikana ku celinayaa  axsaabta qaranku malahaa (strategy) ama qorshe , ay wadanka ku hogaamiyaan , oo ay kaga  iibsaadaan codkooda , waaxay doonayaan in ay  qabyaaalad umada dhex dhigaan oo ku ay umada ku kala qoqobaan qabyaalad oo ay  shilling yar kaga iibsadaan codkooda , umana muuqato  axsaabta Qaranka masiirka umadu , waxa kali ah  ee u muuqdaa waaa kursiga , waxan leyahay  umadu waxay ku jirta xaalad adag ,xaaladaas  oo ah xaalad abaareed ,  mid sixir barar , mid musuq maasuq mid qabyaaladed , waaxaan leeyahay maanta  umadu w ay kasoo dhamaatay  intii  ay dulqaad ka u  lahayd , sidaa darteed  waxa  ay  maaanta umadu u baahantahay,  hogaamiye caqiidadiisu wanaagsantahay oo diin leh oo dadnimo leh oo ay ka dhabtahay strategy diisa siyaadadeed , sicir bararkan ay xukuumadu u taagi wayday oo ay  kolba qorshe kasoo saarayso se aanay hirgalinahaynin ,  waxaan u hayaa qorshe sicir bararka hoos logu dhigaayo , waxaana weeyaan in lix bilood ilaa afar bilood gudahood lagu gaaadhsiiyo $100 boqolka Dollar , lix boqol oo kun ( 600,000) ilaa afar boqol  oo kun ( 400,000) , qorshani waxa weyaan , qorshihii xisbigaygii aan doonayay in aan dalkan ku hogaamiyo , Haduu ilaahay xilkan noo igmado oon wadanka mar uun madaxwayne ka noqdo ,waa qorshaha aan doonayo in sicirka wax lagaga qabto , markaan waxaan xukuumada usoo bandhigaya in barnaamijkaa hadii ay gogoshiisa dhigaan oo ay qabtaan dood  cilmiyeed inaaan anigu barnaamijka kusoo bandhigi doono , qorshihiisana aan hayo xukuumadana aan siin dooono  talooyin fara badan