Siyaasi Cabdillaahi-Jawaan Oo Ka Hadlay Xaaladda Gobalka Geeska

93
15525

Hargeysa (Geeska)-Siyaasiga  Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdilaahi Jawaan), ayaa ka hadlay is bedelka ku soo kordhay Geeska Afrika, xaalada Dawlad Deeganka Somalida Itoobiya, Xidihidhka Itoobiya iyo Somaliland, waxaanu ku taliyey in aad loo ilaaliyo nabada.

Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdilaahi Jawaan), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale ka hadlay dhibaatada ay qabyaaladu leedahay, waxaanu si ah fariin ugu diray Dawladda Somaliya, oo uu ugu baaqay inay ka digtoonadan inay Somaliland carqaladeeyaan, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Is bedelka ka socda Geeska Afrika, gaar ahaan Itoobiya, intii la doortay Raysal-wasaaraha cusub ee Itoobiya, waa mid xawli ku socda, wuxuuna is bedelkaasi saamayey Geeska Afrika, gaar ahaan Itoobiya iyo umaddaha ku nool, waxaanu si gaar ah u taabtay Somalida ku nool Itoobiya, ama is maamulka Dalwad Deegaanka Somalida, Itoobiya, oo shaqaaqo ka dhacday Magaalo Madaxda Jigjiga ee Deegaankaas, inaguna Somaliland ahaan madaama aynu nahay Itoobiya dal aynu jaar nahay, xaaladuna is badashay samayn ayey inagu leedahay, inagu waxaynu jecel nahay in wax walba wanaag iyo nabadgalyo ku dhammaadan, waana in Somaliland arinta halkaas ka socota si fiican ula socotaa, kana war haysaa, aad ugu dadaasha in nabadgaylada la adkeeyo oo aad loo xoojiyo, waana in fiiro gaar ah loo yeesha”.

Siyaasi Cabdilaahi Jawaan mar uu ka hadlaayey Xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland ayaa yidhi “Maamul kasta oo Itoobiya yimaada Somaliland wey isku baahan yihiin, cid kasta oo Itoobiya timaada, Raysal-wasaraha ayaa ka masuul ah, laakiin Gobolka Somalida ayeynu la wadaagna, oo xad baynu la wadaagna, laakiin Dawladda Dhexe ee itoobiya iyo Somaliland waxa ka dhexeeya xidhiidh fiican, Siyaasada Somaliland waa Dawlad kasta oo ka jirta Itoobiya inay xidhiidh wanaagsan kula shaqeeyso, oo labada dal danahooda si fiican loo ilaaliyo, haddii ay noqto mid dhaqaale, mid siyaasadeed iyo mid nabadgalyo ahba inay iska kaashadan, sidaas ayeyna Siyaasada Somaliland weeye, Itoobiya ganacsi baa inaga dhexeeya, wax baynu isweydaarsanaa, Dekaddana badeecado ayaa uga soo dega, iyana badeecado badan baa inooga yimaada, waxaana ku taala Itoobiya xaruntii Afrika, waana isku baahan nahay, waxaana mar walba wanaagsan inaynu xidhiidhka labada dal la wanaajiyo”.

Siyaasi Cabdilaahi Jawaan mar uu ka hadlaayey heshiiskii Elatariya iyo Itoobiya ayaa yidhi “Elatariya cadaadis baa ka jiray, iyadoo lagu eedayey in ururo wadamo badan ka dagalaama ay caawiyaan, Jabuutina waxay xaq u leedahay inay Elatariya saaxib ka sameeysto oo ay la heshiiso, oo khilaafka ay ka tirsanayaan kala hadlaan, haddii ay wax ka maqli waayana nidaam sharciya ay u marto, oo waxay geyn kartaa Maxkamadda Adduunka, ama ururada jira sida Ururka Afrika iyo Ururka IGAD iyo Ururada kale ee Adduunka, laakiin dal dal kale odhan kara yaan wadankaas waxaas loo yeelin lama dhagaysanayo, ee Adduunka si gaar ah ayuu Wadan kasta ulala xidhiidhaa”.

Siyaasi Cabdilaahi Jawaan mar uu ka hadlaayey Somaliya ayaa yidhi “Dawladda Somaliya waa inay caqligeeda iyo fikirkeeda badashaa, waana inay ku dayato Elatariya iyo Itoobiya siday yeeleen, Elatariya waxay ka go’day Itoobiya, walibana Somaliland wey ka dambaysay, waana kuwaas maanta is kaashanaya, saaxibtinimo iyo wanaag dhexdooda ah ayey abuureen, waxa la mid ah Suudan iyo Koonfurta Suudaan, oo labada Suudaan oo muddo shan sanno ah is leeynayey, ayaa gogol nabadeed dhigtay, oo heshiiyey, laba dal ayey kala noqdee, weyna is aqoonsadeen, Somaliya waxaan leeyahay shanta Somalida ayeynu doonaynay inaynu isku keenay, ee haddii ay taasi suurtagali weyday, oo waliba Somaliland dhibaatooyin badan oo aan la koobi karin oo boqolaal sanno waxay dhisayeen dad iyo maalba la baabiyey, oo hubkii iyo magacii Somaliyeed lagu baabiyey, ayaa haddana anaga oo aargoosan nidhi dawladaydii ayaanu soo ceshanay, Somaliyana saaxibtinimo, walaaltinimo iyo in aanu laba dal oo jaar ah kala ahaano ayaanu ka doonaynaa aanu nidhi, cidna dhibaato umaanu geysan, Dawladda Somaliyanna waxaanu leenahay caqligu ha idin shaqeeyo, oo carqalada aad nagu haysaan waxba nagu yeeli maysaan ee joojiya, Shacabka reer Somaliland waxaan leenahay waxaynu nahay qaran, meel kasta oo aynu degno, ee qabiil marnaba yaan la idinku khaldin, qabiilkana waxa ka weyn qaranimada, ee Somaliyana waxaan leeyahay haddii shanti Somalidu kala tageen oo aynaan mid noqonayn ha is dugsadaan, jaar ha noqdaan, ha isku gurmadaan, hana is taageeraan”.

Dhinaca kale Siyaasi Cabdilaahi Jawaan ayaa ka hadlay qaabkii ay Dawladda Fadaralka ahi ku qabsaday Deegaanka Somalida ee Itoobiya, waxaanu xusay in marxalado kala duwan iyo siyaabo kala duwan ay u qabsatay

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here