Siyaasi Cabdi Haybe Oo Xil Looga Magacaabay Xisbiga Mucaaradka Ah Ee WADDANI

0
614

Hargeysa(Geeska)- Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa xil cusub u magacaabay siyaasi Cabdi Haybe Muxumed oo ka mid ah saraakiisha xisbigaasi.

1

Warsaxaafadeed shalay ka soo baxay xafiiska gudoomiyaha Xisbiga Waddani ayaa lagu shaaciyey xilka cusub ee siyaasi Cabdi  Haybe Muxumed, waxaanu warsaxaafadeedkaasi u dhignaa sidan

Ujeeddo: Magacaabis Xil

Markaan darsay:                  Qodobka 28aad ee Xeerka Xisbiga WADDANI

Markaan Arkay:                   

Baahida loo qabo in la buuxiyo Jagada Xoghayaha Hawlaha Guud   iyo                                                                      

Guriyeynta                            

Markaan la Tashaday:         Xubnaha Hoggaanka Xisbiga WADDANI

Markaan ku Qancay:           Waayo-Aragnimada iyo Aqoonta uu leeyahay Md. Cabdi Haybe Maxamed

 Maanta oo taariikhdu tahay 11 July, 2016ka wuxu Hoggaanka Xisbiga WADDANI go’aamiyey in Mudane Cabdi Haybe Maxamed uu noqdo Xoghayaha Hawlaha Guud iyo Guriyeynta ee Xisbiga WADDANI.

Waxaanu Ilaahay ka baryeynaa in uu ku soo kordhiyo Xisbiga WADDANI fikrado wax-ku-ool ah iyo in uu  ku soo biirin doono  waayo-aragnimadiisa iyo khibradiisa u gaarka ah.

ALLA MAHAD LEH

Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi (Cirro)

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI