Siyaasi Cabdi Haybe Oo Madaxweynaha Ugu Baaqay Inuu Kala Diro Guddiga Doorashooyinka

0
997

Hargeysa (Geeska)-Cabdi Haybe Maxamed, oo ka mid ah Hogaanka sare ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ku baaqay inuu Madaxweynuhu kala diro guddiga doorashada ama ay iyagu is casilaan.

Cabdi Haybe Maxamed, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay saami-qaybsiga, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Komishankii Doorashooyinka ee ugu horeeyey ee dalka laga sameeyo, waxaa kala diray Daahir Rayaale Kaahin, isla Komishankii ku xigayna iyaga oo Diiwaangelinta qabtay, oo aan wali wax Doorasho ah qaban ayuu Xisbiga Kulmiye cadaalad daro ka sheegtay, isla Daahir Rayaale ayaa haddana kala diray, waana Komishankii uu Jaamac sweden Guddoomiyaha ka ahaa,isla Komishankii xigay ee qabtay Doorashadii Golayaasha Deegaanka, ee 2012, waa la kala diray, oo waxa kala diray Axmed Siillaanyo, Komishankana mar haddii xaq daro laga sheegtay, oo Xisbiga Waddani, uu cadaalad daro iyo xaq daro ka sheegtay xaq bay u leeyihiin in laga bedelo, Komishankan wuxuu wakhtigu kaga eeg yahay bisha November ee sannadkan, Doorashaduna waxay qabsoomaysaa bisha December, Komishankan mar haddii uu wakhtigu ka dhacayna muddo kordhin looma sameeyn karo, inay is casilaan, ama uu Madaxweynuhu kala diro ayey noqonaysaa, maxaa yeelay Komishan umadda khal-khal galiyey, oo laba Xildhibaan kala saari waayey, boqolaal mushaharna ma kala saari karaan, ee waa inuu Madaxweynuhu kala diraa ama ay iyagu laftoodu is casilaan,danta qaranka iyo maslaxaduba waxay ku jirtaa inay Komishankani is casilaan ama uu Madaxweynuhu kala diro, waxaana loo baahan yahay inay Komishan daaacad ah oo waajibkooda si daacadnimo leh uga soo baxa, oo aan ka tagin dhex-dhexaadnimada Xisbiyada”.

Cabdi Haybe mar uu ka hadlaayey Saami-qaybsiga ayaa yidhi “In Saami qaybsi cadalaad ah la sameeyo, oo la soo dhaweeyo Beelaha darafyada, oo xaqooda iyo xuquuqdooda la siiyo ayaa loo baahan yahay,  sidoo kale Beelaha kala duwan ee Somaliland wada dega in si cadaalada loogu adeego ayaa loo baahan yahay, in cid gaar ahi dharagto, cid gaar ahina dulmaanto wax meesha qabta maaha, in mashaariicaha horumarineed ee dalka in si cadaalada ah loo siiyo deegaanada kala duwan ee Somaliland ayaa loo baahan yahay, laakiin in cid gaar ah loogu cel-celiyo maaha”

Cabdi Haybe mar uu ka hadlaayey Xuduudaha iyo Ciidamada ayaa yidhi “In Ciidanka Qaranka iyo Ciidamada kale ee dalkaba la kordhiyo, oo la tayeeyo ayaa loo baahan yahay, in Xuduudaha dalka la sugo, oo Xuduudaheena aynu gaadhno ayaa loo baahan yahay, in xadka la sugo, oo xadka la gaadho ayaa loo baahan yahay”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here