Siyaasi Cabdi Haybe Oo Ka Hadlay Sicir Bararka, Soona Bandhigay Talooyin Uu Xal U Arko

25
3139

Hargeysa (Geeska)-Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed, oo ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga Waddani, Xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale Kaahina Wasiir ka ahaa, aasaasayaashii Xisbiga Kulmiyena ka mid ahaa, ayaa masuuliyadda sicir bararka dusha ka saaray Xukuumaddii hore ee Axmed Siillaanyo, waxaanu xusay in qiimaha sarifka lacagta doolarka ee kacsan iyo lacago si bilaa xad ah ay u soo daabici jirtay inay sicir bararka sabab u yihiin, waxaanu Xukuumaddana kula taliyey ay qaado talaabada ugu haboon ee sicir bararka lagu joojin karo.

Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Xukuumadda uga digay in Shaqaalaha Dawladda bilaa sabab lagu eriyo, halka uu sidoo kale soo jeediyey in gabi ahaanba laga noqdo heshiisyada sharci darada ah ee ay Xukuumaddii hore gashay, isagoo si gaar ah u tilmaamay Saldhiga Milatari ee Berbera, oo uu xusay inuu khatartiisa leeyahay, waxaanu ugu horeyn yidhi “Xukuumaddu hore ee Siillaanyo iyada ayaa doolarka cirka geysay, oo sicir bararkana sabab u ahayd, lacago si bilaa xad ah loo soo daabaco,Wasiiro lacag suuq galinaya, lacagtii Somaliland oo doolar loo bedelayo iyo sicir bararkan xalka loo waayey Xukuumaddii hore ee Siillaanyo ayaa sabab u ah, imikana yaan riwaayad lagu meeraysan ee waxyaabaha u baahan in la joojiyo ama cashuurta in lagu kordhiyo qaadka waa ka mid, sigaarku waa ka mid, waxyaabaha aan muhiimka ahayn oo dhami waa ka mid, ta kale Ganacstadu raashinkan ay cirka geynayaan inay Wasaaradda Ganacsigu wax ka qabato, oo dib u eegto weeyaan, laakiin haddii meeluun la abaaro, oo Zaad iyo Edahab lagu meeraysto, macno sameeyn mayso, ee Dawladduna lacagta ay sarifanayso ha joojiso, aqoontii sarifka la jaanqaadi lahaydna ayaan joogin Baankii iyo Wasaaraddii Maaliyadda, waa in sicir bararka sidiisa loo abaara, oo sartu halkay ka qudhmayso toos loo abaara, dadkii danyartaa ahaa, Ciidamadii, Shaqaalihii Dawladda wixii yaraa ee ay qaadanayeen waxba u tari mayaan, ”.
Siyaasi Cabdi Haybe mar uu ka hadlaayey Shaqaalaha Dawladda ayaa yidhi “Shaqaalaha la eryayaa waa khalad, Shaqaaluhu xaq iyo xuquuq bay leeyihiin, Shaqaaluhu ha ahaadaan kuwa rasmiya oo joogto ah, mushaharna qaata ama ha ahaadaan kuwa aan rasmi ahayn oo guno uun qaata, in Shaqaale soo shaqeeynayey iska taguun lama odhan karo, ee waa in sifo sharciya loo mara, haddii cid la shaqeelaysiinayana cida ugu haboon ee shaqada la qorayaa waa inay noqdaan Shaqaalaha bilaa Mushaharka ah ee hore u sii joogay, laakiin waa ayaan daro in Shaqaalaha la iska eriyo”.
Siyaasi Cabdi Haybe mar uu ka hadlaayey hantida qaranka ayaa yidhi “Waa muhiim in dib loo soo celiyo hantida qaranka ee umaddu lahayd ee Xukuumaddu hore sharci daro ku bixisay, waxa kale oo muhiim ah in heshiisyadii ay Xukuumaddii hore gashay oo sharci darada ahaa in laga noqdo, Saldhiga Milatari waa in la joojiyaa, sababtoo ah Saldhigan Milatari halistiisi ayuu leeyahay, halisna wuu inagu hayaa, Dal la aqoonsan yahay ma nihin, Ina Xaashigii Madaxtooyada Wasiirka ka ahaa, marku lahaa xulafadda isbahaysiga ayaanu ka mid nahay,macnaheedu waa dagaalkaanu ku jirnaa, khaladna wey ahayd inuu yidhaahdo, Saldhig Milatarina uma baahnin, wax alaale waxaynu uga baahanayna ma jirto, ee dalalka aynu jaarka nahay ayey nacayb inoo qaadaya, waxaana anigu qabaa in gabi ahaanba laga noqdo heshiiska Saldhiga Milatari Berbera ee Imaraadka, sababtoo ah wax alaale wax faa’iido ah oo Somaliland ugu jirtaa ma jirto”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here