Siyaasi Baashe Oo Madaxweynaha La Doortay U Soo Jeediyay Ilaalinta Sinaanta Iyo Cadaaladda

10
1185

Hargeysa (Geeska)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Biyaha Baashe Cali Jaamac, ayaa Madaxweynaha la doortay ee Muuse Biixi Cabdi, kula taliyey inuu ilaaliyo sinaanta iyo cadaalada umadda, isla markaana uu isku soo dhaweeyo,waxaanu ugu baaqay inuu sii wado heshiiska Khatumo.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Biyaha Baashe Cali Jaamac, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaana ugu horeyn yidhi “Wadankeenu waa Wadan yar oo hadda soo kabanaya, ee Madaxweynaha waxaan kula talinayaa in si siman oo cadaalad ah dadka iskugu soo  dhaweeyo, oo uu isku wada dhammaan umadda reer Somaliland iyo inuu cid kasta gobonimo u muujiyo, taas ayaana kula talinayaa oo wax taraysa”.

Mar uu ka hadlaayey Xukuumadda la filayo inuu soo dhiso Madaxweynuhu iyo taladdiisa ayaa yidhi “Wey fiican tahay inuu Madaxweynuhu soo dhiso Xukuumad tiro yar oo aad u kooban, balse dalkeena ayaanay ka suurtoobayn, dawlad kastaana wey tidhaahda marka hore waxaan soo dhisayaa Xukuumad kooban oo tayo leh, haddana wey sii badataa, laakiin waxaan kula talinayaa anigu inuu dhiso Xukuumad aadna u yarayn aadna u badnayn”.

Wasiirkii hore ee Biyuhu mar uu ka hadlaayey heshiiskii Khatumo iyo Somaliland, ayaa yidhi “Madaxweynaha aad iyo aad baan ugu boorinayaa in heshiiskaas Khatumo iyo heshiisyadii la midka ahaaba inuu halkaas ka sii wado, aad iyo aadna Somaliland muhiim bay ugu yihiin heshiisyadaasi, Golaha Guurtida ayaan maqlaayey iyagoo diidaya, laakiin waa arin cawaaqib xumo keenaya, haddii heshiiskaas Khatumo laga baxo, ee Madaxweynaha inuu heshiisyadii sii socodsiiyo ayaan kula talinayaa, oo uu fuliyo wixii ay Xukuumaddii hore gashay, ama ay fulin kari weyday”.

Mar uu Shacabka reer Somaliland baaq u diraayey ayaa yidhi “Shacabka reer Somaliland waa inay nabadgalyadooda ilaashadan, oo qaranimadooda ilaashadan, wixii khadlana si nabadgalyo ah ha u cabiraan, oo marnaba yaanay ku kicin wax nabadgaylada waxyeelo u geysanaya”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here