“Siyaasadu Ka Hortag Ayay Leedahay Ee In Aad Ka Dabo Tagtaa Waa Fadeexad, Dhaqdhaqaaqii Ay Sameeyeen Waa Loo Diyaar Garoobay, Cabdiwelina Gurigiisi Ayuu Ku Noqday”

0
860

Picture6Hargeysa(Geeska)-Wasiirka gaashandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa eedaymaha Puntland ku tilmaamay cadho ka kacday markii laga hor joogsaday inay soo galaan gudaha Somaliland.

Waxa uu wasiirku sheegay in ciidamada qaranku ay si buuxda uga hor joogsadeen Cabdiwali Gaas inuu tago Laasqoray, taasina ay dhalisay in eedaymo badan ay soo jeediyaan, waxa uu sida oo kale ka hadlay ciidamo laga soo qaaday deegaanada Carmale.

Waxa uu sidan ku sheegay wasiirka gaashandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami waraysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska Geeska Afrika, waxaana wasiirka oo arimahaas ka hadlayaa uu yidhi“Waxan arinkan iyo eedayntan ay jeedinayaan oo dhan soo kiciyay waxa weeyaan tagitaankii ay Laasqoray tagi kari waayeen, taas ayaa xumada hadda kacsan sare u qaaday, Laasqorayna waa halkii aanu ku dhalanay oo dadkii deegaankaas lahaa uunbaa jooga,wax wanaag ah oo ay u sameeyeen Laasqorayna ma jirto, waanad maqlayseen inay yidhaahdeen argagax ayaa nagu dhacday markii madaxweynuu uu Laasqoray tagay.”

Wasiirka oo hadalkiisa siiwataa waxa uu yidhi“Ciidamo ayay soo dirteen oo hadana waa ay noqdeen, siyaasaduna ka hortag ayay leedahay ee in aad ka dabo tagtaa waa fadeexad, dhaqdhaqaaqii ay sameeyeen waa loo diyaar garoobay, waxaanan filayaa in isaguna uu gurigiisii (Cabdiwali Gaas) ku noqday, waanay ogyihiin in aanay halkaas ciyaar ciyaar ku iman karin oo ay ciidamo hor joogaan, markii uu isku dayay inuu tagana waa laga hortaay oo waa uu ka noqday, haddana wax taagani ma jiraan, iyagana waxa dantu ugu jirtaa inay halkoodii ku noqdaan.”

Wasiirka gaashan dhiga Cadami oo la waydiiyay ciimada laga soo qaaday Carmala waxa uu yidhi “Carmale haddaad maqasho ciidamo Somaliland ay leedahay ayaa degan, markaas ciiddankii deganaa ayaa halkaas lagaga yimi oo ku filan, ciidamadii kalena dib ayay u soo noqdeen.”