“Siyaasadeenii Khaarajiga Ayaa Meesha Ka Maqan”

0
1226

Xildhibaan Maxamed Saalax Cige

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Maxamed Saalax Cige, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan Xukuumadda taladda dalka haysa muddadii sannadka ahayd waxyaabaha la taaban karo ee u qaboomay iyo waxyaabaha ay ku liidato, waxaanu tilmaamay inay jiraan waxyaabo ay Xukuumaddihii ka horeeyey ay kaga wanaagsnayeen.

Xildhibaan Maxamed Saalax Cige, oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi  gaar ah siiyey ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlaya waxyaabaha la taaban karo ee Sannadkan sii galabanaya ay qabatay Xukuumaddani ayaa yidhi “Xukuumaddan muddo sannad ah ayey taladda dalka haysay, muddadaas sannadka ah waxaa la odhan karo ee ay wax ka qabatay waxaa ka mid ah hantida umadda ee qarankani lahaa oo waxyaabo dib loogu soo celiyey gacantii Dawladda, sida haamihii shidaalka, Barkinkii Madaarada iyo  Raasigii, waxayna ahayd in hanti badan oo qarankani lahaa, umaddana ka dhaxaysay in cid gaar ahi ilaa hadda hayso, markaas iyana waa muhiim in gacanta Dawladda dib loogu soo celiyo hantida Qaranku lahaa ee Xukuumaddii hore lunsatay, waxaa kale oo aan Xukuumaddan uga mahadnaqayaa sugida  iyo tirikoobka Shaqaalaha Dawladda”.

Xildhibaan Maxamed Saalax mar uu ka hadlaayey Madaxweyne Muuse Biixi iyo Golihiisa Wasiiradda ayaa yidhi “Runtii muddo sannad ah ayuu Madaxweynuhu xilka Madaxweyne hayey oo uu taladda dalka maamulaayey, laakiin waxaad mooda in waxyaabihii laga filaayey aanay Xukuumaddiisu qaban, maxaa yeelay waxaa muuqata in Wasiiraddiisi ama Golihiisa Xukuumaddu aanay wada socon, waxaana muuqata inay habrasho jirto, oo ay Madaxweynaha ka baqayaan, run ahaana qof baqayaa ama habrasho ku jirtaa inuu wax qabtaa aad bay u adag tahay, waxaa Madaxweynaha laga rabaa inuu Wasiiraddiisa ama Masuuliyiintiisa uu dirtay uu aamino, oo uu la xisaabtamo, maxaa yeelay hawlo badan oo ay iyagu qaban lahaayeen ama ay ka hadli lahaayeen ayuu Madaxweynuhu ka hadlayaa, taasina maaha arin wanaagsan,runtii aad baa loo dhaliila oo saluug looga muujiya nidaamka xulashada ee Madaxweynuhu ku soo xushay Xukuumaddiisa, ee haddii la doonayo inay wax hagaagan Madaxweynaha waxa la gudboon inuu sameeyo isku shandhayn lagu wada qanacsan yahay, oo aan dhinac ka rarnayn, ”.

Xildhibaan Maxamed Salaax mar uu ka hadlaayey Siyaasayada Arrimaha Dibadda ayaa yidhi “Xukuumaddan Muuse Biixi iyadoo aan la kulmin Mucaaradad adag baa haddana nidaamkeeda iyo hanaankeeda dawladnimo halkii loo baahna aanay gaadhsiisnayn, maxaa yeelay waxaa muuqata in aad loogu wada qanacsanaa Shirkii ka dhacay Wajaale, Madaxweynayaashii hore waxay la kulmi jireen dhiggooda, laakiin Madaxweyne Muuse Biixi waxaa uu la kulmay Madaxweynaha Maamulka Somalida Itoobiya, waxaana odhan karaa Siyaasadeenii Arrimaha Dibadda iyo Dublamaasiyadii la inooga baahnaa ayaa meesha ka maqan, ee Madaxweynaha wax kasta oo khaldan inuu  saxo ayaa looga baahan yahay”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here