Siyaasadda iyo Soomaalinimadda Qalinkii Mukhtar Xaaji Cabaydh

1
42

Siyaasadda iyo soomaalinimadu waa laba shay oo kala duwan. Maaha laba sinaba isugu khaldami kara. Siyaasaddu waa dan iyo maslaxad, Soomaalinimaduna waa isir qoomiyadeed. Siyaasadda oo aynu ku tilmaanay dan iyo maslaxad bulsheed, waxa jaangooya ama jiheeya hadba waayaha la nool yahay iyo duruufta ku gedaaman, sidoo kale waxa jihaynta siyaasadeed ee bulsho ka qayb qaata hogaamiyashooda siyaasadda iyagoo ka tarjumaya rabitaanka shacabka ay metelaan, halka ayay marar kalena afduubaan rabitaanka shacabkooda.

Tusaale fudud waxaynu u soo qaadan karnaa 1960kii, markii ay midoobeen labadii gobol ee Soomaaliyeed iyadoo ay ugu wacnayd duruuftii wakhtigaa jirtay ee dabaysha midnimodoonka iyo soomaali jacaylka oo xoog ku lahayd Soomaalidii waqooyiga (Somaliland). Sidaa awgeed waayihii lala noolaa, iyo hogaamiyaashii siyaasaddu waxay dan iyo maslaxad u arkeen midnimadda labadii gobol ee Soomaaliyeed ee wakhtigaa xorta ahaa. Tusaale kalena waxaynu u soo qaadan karnaa 1991kii, markii ay duntay dawladdii dhexe ee Soomaaliya, dagaalo badan ka dib, dadkii ku noolaa goboladda waqooyi oo ay hormood u yihiin hogaamiyaashii siyaasadda ee wakhtigaa talinayey, waxay dan moodeen, isla markaana ku dhawaaqeen gooni isu taaga Somaliland iyagoo ay ku kaliftay waayihii iyo duruuftii siyaasadeed ee wakhtigaa taagnaa, ee colaada, dulmiga iyo burburku ay qayb ka ahaayeen.

Sidaa awgeed siyaasaddu waa dan iyo maslaxad bulsheed ay waayaha iyo wakhtigu ka taliyaan. Waayaha iyo wakhtiga ayaana ah kuwa inta badan labadubleeya, sankana ka tola hogaamiyaasha siyaasadda iyo dadka ay metelaanba. Markaa qolyahan ku celceliya goosashadu waa muqadas, iyo kuwan ku tasbiixsadda midnimaddu waa muqadas, labada kooxoodba waa kuwo aan aan la noolayn xaqiiqda, isla markaa aan fahmin in siyaasaddu tahay dan iyo maslaxad bulsheed ay waayuhu ka taliyaan, ee aanay ahayn caadifad iyo rabitaanka dad qiiraysan ama jibaysan. Mabda’a Islaamka oo keliya baa qofka muslimka agtiisa ka ah muqadas aanu marnaba ka tanaasuli Karin.

Soomaalinimaddu waa isir qoomiyadeed ay wadaagaan dadka soomaaliyeed ee ku nool Geeska Afrika. Dadka Soomaaliyeed ee ku nool mandaqadan Geeska Afrika waxay wadaagaan Soomaalinimadda, afka, muuqa, dhaqanka iyo dhiiga intaba. Soomaalidu inta ay wadaagaan baa mar kasta ka badan inta ay ku kala duwan yihiin. hase yeeshee Soomaalidu kuma qasbana inay dawlad wadaagaan, sidaas oo kale, kala tagooduna qasab maaha. Dawladnimadda waa la wada yeelan karaa, waana la kala yeelan karaa, sidii aynu hore u xusnay siyaasaddu waa maslaxad, haddii loo arko in dantu ugu wada jirto in wax la wada yeesho, sidaana la isku fahmo, waxbaa la wadaagi karaa. haddiise loo arko inaan lagu heshiinayn in wax la wada yeesho, ma jirto cid cid qasbi kartaa.

Sidaa awgeed, siyaasadda oo lagu kala tegey marnaba maaha in Soomaalinimaddii lagu kala tegey, dad badan bayna arrintani ka khaldantay oo u badan kuwa ku nool Somaliland. In siyaasadda lagu kala tegey, sidoo kale maaha macnaheedu in col la yahay, iyo in cuqdad lagu noolaado ama laga dhex abuuro shucuubta walaalaha ah ee wax badani ka dhexeeyaan. Soomaalidu waxay iska xigtaa cid kasta oo kale oo ku nool Geeska Afrika. Qofka soomaaliga ah, gobolkuu doono ha ku noolaadu weli wuxuu sitaa magaca soomaali, wuxuuna ku hadlayaa afka soomaaliga. qofka Soomaaligu ah wuxuu xoriyad ku haystaa, si wanaagsana ugu nool yahay goboladda kale ee Soomaali kale degan tahay, xataa haddii ay dawladdo kala yeeshaan, si aanay marnaba xoriyad ugu haysan wadamadda jaarka la ah Soomaalida. Qofka Soomaaliga ah soomaaliga kale waa walaalkii, haddii siyaasaddu midayso iyo haddii ay siyaasaddu kala kaxaysto intaba. Farxadda u soo hoyata qayb ka mid ah soomaalida waxay farxad u tahay qaybaha kale ee soomaalida, lamana kaantarooli karo dareenka walaalnimo ee Ilaahay dadkan isugu beeray. Dhibka soo gaadha qayb ka mid ah Soomaalida wuxuu dhib ku yahay dhamaan bulsho weynta Soomaaliyeed, xanuunkuna way wada dareemaan.

Haddii aad xoog ula dhacsan tahay qaddiyad ka mid ah qaddiyaddaha siyaasadeed ee Soomaalidu maanta la nooshahay, waxa kula gudboon inaad ka shaqaysid qabyooyinka tirada badan ee wehelka u ah qaddiyadda aad la dhacsan tahay iyo hirgelinteeda. Uma baahnid inaad abuurtid nacayb iyo cuqdad saamayn ku yeelan karta Soomaalinimadda. Asxaabtayda bugta ama cuqdadaysan ee xisaabtu ka gedmatay, ee ay iskaga khaldantay siyaasadda iyo soomaalinimaddu, waxaan leenahay, noloshu waa gaaban tahay, waanay ka qurux badan tahay in cuqdad iyo colaytan lagu noolaado, ee caafimaad ku noolaada.

"Darkness cannot drive out darkness; only light can do that. Hate cannot drive out hate; only love can do that". Martin Luther King.

Qalinkii Mukhtar Xaaji Cabaydh

Mukhtar.abdi2014@gmail.com

 

Comments are closed.