Siyaabo Laga Yaabo In Aanad Filayn Oo Looga Faa’idaysan Karo Masaxaadda (Iskiisadda) Qalin-Qoriga

0
786

goosHargeysa (Geeska)- Qof kasta oo dugsi soo maray waxa ay u badan tahay in shayga ugu horreeyey ee waxbarashadiisa uu ku bartay uu ahaa qalin qoriga ama qalinka afka qalaad lagu yidhaahdo Pencil ka, waayo waa qalinka koowaad ee ardayga bilowga ah looga baahan yahay, sababta ugu weyn ee qalinkaasi u noqday furaha far-barashaduna waa masaxaadda ama rabadhka ku dheggen ee awoodda u leh in uu tirtiro qaladaadka qoraalka ee ardayga bilowga ah ka dhaca.

Laakiin ardayga yar kuma koobna ee sidoo kale qalinkan qoriga ah waxaa loo isticmaala siyaabo kala duwan oo ay ka mid tahay farsamada sawirka iyo farshaxanka injineernimada oo labaduba sababta ay u isticmaalaan la mid tahay taas ardayga bilowga ahi u isticmaalo ee ah in uu leeyahay iskiisad masixi karta wixii qalad dhaca. Haddaba haddii aad masaxaadda (Iskiisadda) qalin beensalka ku ogeyd in ay innaga anfacdo tirtirista qaladaadka ka soo baxa qoraalka lagu dhigo qalin qoriga, waxa aad ku darsataa in uu leeyahay faa’idooyin kale oo aan ka muhiimad yarayn taas hore, waxaana ka mid ah kuwa aynu qoraalkeennan ku soo qaadannay:

1. Ilaalinta dheeha iyo nadaafadda dahabka: Dahabka iyo guud ahaanba macdanaha kale ee dumarku isku qurxiyaan waxa ay u baahan yihiin nadaafad gaar ah oo ka ilaalisa uskagga iyo xoqniinka si aanu midabkooda dabiiciga ahi u guurin, mar kastana u noqdaan kuwo dhalaalaya, si ay taasi ku suurtogashana waa in nadaafadda dahabka iyo walxaha la mid ah loo adeegsadaa maaddo ku habboon nadiifinteeda iyo inay xoqniinka ka ilaaliso, haddaba tijaabooyin la sameeyey ayaa lagu ogaaday in Masaxaadda (Iskiisadda) qalin beensalku ay tahay shayga ugu fiican ee lagu nadiifin karo dahabka iyo dheemanta ama guud ahaanba macdanaha kale ee la isku qurxiyo. Walxo yaryar oo ay masaxaaddu ka samaysan tahay ayaa awood xoog badan u leh in ay nuugaan si fiicanna u tirtiraan dufanka iyo raadadka ay faruhu kaga tagaan dahabka iyo sidoo kale baraha madow ee ay wasakhda iyo dhasku ku sameeyaan, waxa aanay dib u soo saaraan midabkii dabiiciga ahaa.

2. Wanaajinta xoqniinka shaashadaha (Muraayadaha kombiyuutarka, TV-ga, Talefanka gacanta iwm):

Waxaa hubaal ah in tiknoolajiyadda horumarka ballaadhan samaysay maantu ay qayb libaax ku leedahay nolol maalmeedkeenna, waxa aynu isticmaalnaa aaladaha kor ku qoran iyo tobannaan kale oo dhammaantood leh muraayado u ah qurux ama mararka qaarkood taabasho lagu isticmaalo. Waxa ugu badan ee aynu ka cabannaana waa xariijimaha iyo xoqniinka aaladahan soo gaadha oo sabab u noqda fool xumo, in ay uskagga u qabtaan iyo mararka qaarkood kuwa taabashada ku shaqeeya in tayadooda shaqo hoos u dhacdo. Tijaabooyin la sameeyey ayaa lagu ogaaday in iskiisadda (Masaxaadda) qalin-qorigu ay leedahay awood yaab badan oo ay ku simayso ama ku tirtirayso xagtimahaas soo gaadhay shaashadaha Laabtoobka, talefanka gacanta iyo shaashadaha talefishanka iwm.

Masaxaadda qalin-qoriga ayaa lagu masaxayaa shaashadahan oo muddo lagu celcelinayaa, taas oo keenaysa in iskiisadda (Masaxaadda) qudheedu ay ku milanto ku googo’do jeexa ama godadka xagtimahaasi sameeyeen, muddo aan badnayn kadibna waxa aad dareemaysaa in xariijimahaasi ka tirtirmeen shaashadda, waase marka ay yihiin xoqniinka iyo xariijimaha yaryar ee aan noqon nabarrada waaweyn.

3. Nadiifinta gidaarrada: Inta badan guryaha carruurtu joogaan waxa ay ka cawdaan uskag ku dhega gidaarka, taas ayaana keenta in juhdi badan iyo kharash lagu bixiyo nadiifinta gidaarka, sida in saabbuun iyo biyo la adeegsado ama in loo adeegsado dareerayaasha ay ku jirto maadadda Phenyl ee uskagga gidaarka lagu nadiifiyo, marar badanna waxaaba dhacda in lagu qasbanaado in la beddelo rinjiga marsanaa gidaarka. Haddaba tijaabooyin la sameeyey ayaa lagu ogaaday in iskiisaddu (Masaxaadda Qalin-qorigu) ay leedahay awood ay ku nadiifin karto uskagga gidaarka ama marmarka ku dhega. Keliya goobta uskaggu ku yaall ku masax muddo kadibna waxa aad arki nadaafad iyo midabkii dabiiciga ahaa oo soo noqday.