Siyaabaha Ay Wakaaladda Baadhista Dembiyada Ee Maraykanka FBI Ku Ogaato Qofka Been U Sheegaya

25
4028

Madrid (Geeska)- Wargeyska El Confidencial ee ka soo baxa dalka Isbayn ayaa warbixin uu dhowaan daabacay waxa uu ku sheegay in xeelado ay baadhayaasha FBI du u adeegsadaan kala saarista qofka beenta u sheegaya iyo ka warkiisu run yahay. Si guud marka aynu u eegno xeeladahani waxa ay ku suu ururayaan calaamadaha iyo ishaarooyinka laga akhrisan karo wejiga qofka la waraysanayo iyo qaabka uu u macaamilayo.
Waxa ay warbixintu ay sheegtay in xeeladahani ay yihiin kuwo lagaga maarmi karo mishiinka runta hubiya ee dadka lagu xidho iyo guud ahaan tiknoolajiyadda. Mark Bouton oo ah sarkaal muddo 30 sano ah ka tirsanaan jiray FBI da ayaa sheegay in xeeladdani ay tahay mid si fiican ugu shaqaysay wakaaladda dembi baadhista heer Federaal ee FBI.
Mark ayaa buug uu qoray oo lagu magacaabo, ‘How to Spot Lies Like the FBI’ waxa uu ku sheegay in xeeladdani aanay dembi baadhista oo keliya waxtar u lahayn, balse ay sida oo kale muhiim u tahay nolol maalmeedkeenna caadiga ah. Haddaba calaamadaha ay sida gaarka ah saraakiisha FBI u eegaan marka ay qofka waraysanayaan si ay u gartaan beentiisa waxaa ka mid ah:
Baalla deymoodka: In qofka oo su’aalo aad u muhiim ah la weydiinayaa hareeraha eegaa, waa calaamad muujin karta in uu qofku been sheegayo, sida caadiga ah baalladeymoodka waxaa lagu yaqaannaa qofku marka aanu nafsiyan ku raalli ahayn xaalka uu ku sugan yahay ama marka uu ku qasban yahay in uu ka jawaabo su’aal aanu doonayn in la weydiiyo. Calaamaddani waxa ay daba socotaa ishaarada caadiga ah ee qof kasta lagu yaqaanno marka uu cabsi dareemo ama arko khatar ku soo fool leh, taas oo ah in uu midig iyo bidix eego isaga oo raadsanaya dhankii uu u baxsan lahaa.
Baadadka indhaha: Warbixintu waxa ay sheegtay in baadadka indhaha oo u dhaqdhaqaaqa si ka dhaqsasho sida dabiiciga ahi ay tahay calaamad inoo sheegaysa in ereyada uu qofku markaas leeyahay aanay run shaqo ku lahayn.
Caadi ahaan isha qofku halkii daqiiqo 5 illaa 6 jeer ayaa ay libiqsataa, laakiin marka uu qofku been sheegayo ama cadaadis badan oo nafsadeed lagu hayo waxaa dhacda in libiqsigiisu noqdo mid sidii hore ka dhaqso badan oo is xigxiga.
Indho isku qabadka: Jaddii aad aragto qofka oo marka la waraysanayo, uu libiqsigiisu noqdo mid yara raagaya oo waqtiga uu isha isku haynayaa ka badanayo intii caadi ahaan dabiiciga ahayd, waxa aad garanaysaa in qofkaasi uu been sheegayo.
Caadi ahaan ilbidhiqsigai nta uu qofku isha isku haynayaa kama badan karto 4 ilbidhiqsi oo saacadda ah, laakiin haddii ay ka dheeraato waa hab difaac oo qofku isku ilaaliyo, waxa aanay muujisaa in warka uu markaas sheegayaa aanu run ka wada ahayn.
Jihada deymada: Jihada uu qofku eegayo marka la waraysanayaa waxa ay calaamad u noqon kartaa run iyo been midka uu sheegayo, tusaale ahaan waxa ay xeeldheereyaashu sheegayaan, haddii qofka oo waraysi muhiim ah laga qaadayaa uu kora ma dhinaca midig eego in uu raadinayo maskaxdiisa qaybta midigta, taas oo macnaheedu yahay in uu ka fikirayo in uu been abuuro .. haddii se’ uu qofka su’aasha weydiinayo qaabilo waxa ay noqon kartaa calaamad muujinaysa in uu run sheegayo.
Bidix ama midig:Warbixintan Wargeysa El Confidencial ee uu Geeska Afrika turjumay, waxa ay sheegaysaa in basaaskan hore ee buugga qoray uu caddeeyey in farsamadan lafteeda uun loo isticmaali karo marka la doonayo in la hubiyo in uu qofku run ka sheegayo jawaabta su’aal laga weydiiyey sheeko uu maqlay. Tusaale ahaan marka dhacdo dhacday waxa uu ka ogaa la weydiiyo, haddii uu dhinaca bidix eego, waxa ay calaamad u tahay in qofkaasi uu daacad yahay oo uu xasuusanayo wixii uu sheegakadaas ka maqlay, haddii se’ uu jihada midig eego, waa calaamad inoo sheegaysa in uu doonayo in uu been sheego.
Dhoolla caddayn: Warbixintu waxa ay sheegtay in dhoolla caddaynta beenta ah ee laga dareemo in qofka aanay niyad uga iman ayaa ah calaamad kale oo muujinaysa in qofku been sheegayo. Caadi ahaan marka uu qofku si niyad ah u qoslo waxaa lagu gartaa indhaha hareerahooda oo uu coodhcoodh kaga samaysmo.
Weji taabashada: Qofka oo marka la waraysanayo si kedis ah wejigiisa dhowr jeer u taabtaa waa calaamad kale oo iyaduna muujinaysa in uu been sheegayo. Waxa ay saynisyahannadu sheegeen in beentu ay mararka qaarkood sababto in uu dhaco isla-falgallo kiimikaad oo sababa in qofka uu wejiga cuncun ka dareemo.
Dhididka: Warbixintu waxa kale oo ay sheegtay in qofka oo marka la waraysanayo si aan caadi ahayn u dhidida ama xilli aan dhidid la filanayn lagu arko dhidid, in ay ka mid tahay calaamadaha muujin kara in uu been sheegayo. Gaar ahaan marka uu dhididku yahay dhafoorrada iyo raqabadda.
Wejiga oo casaada: Wejiga oo qofka dhiigroor laga dareemaa waa calaamad ay warbixintu sheegtay in lagu garan karo in qofku uu been sheegayo. Waxa uu dhiigroorku inta badan ku imanayaa neerfayaasha wejiga mara oo beenta awgeed samaynaya dhaqaaq aan kii saxda ahaa ama doonista ku imanayey ahayn, taas ayaa sababaysa casaanka wejiga lagu arkayo.
Madax lulis: Qofka oo madaxa lula marka uu ka jawaabayo su’aalo adag ayaa ah calaamad lagu garto in uu been sheegayo. Madax lulista aan ahayn ta dabiiciga ah ee diidmada, ogolaanshiyaha iyo xaaladaha la midka ah la arko ayaa ah dhaqaaq aanu qofku xakamayn karin oo ku imanaya xaaladda nafsiga ee uu ku jiro beenta uu sheegayo awgeed.
Afka oo ingaga: Calaamadaha kale ee warbixintu sheegtay in qofka la waraysanayo beentiisa lagu garan karo waxaa ka mid ah in uu dibnaha ururiyo, ama carrabka ku qooyo, taas oo ah hab uu doonayo in uu ku qooyo debnaha oo ingaga marka uu qofku been sheegayo. Dhammaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here