Sirtu Waa Rajadda Iyo Mustaqbalka Garyaqaan Axmed Nuur Guruje

0
681

Haddii dadku ina arkaan , inaggoo baabuur cusub kala badalayna , guryo qurxoona dhisanay , dadku ina rumaysan maayaan , markaa waa in aynu dadkeena wax la qabnaa , waxoogay masaariifta ah ee aynu qaadanana isku filaysiinaa ''( M I Cigaal )

ggggg

Mar kale isaggoo tashiilka dhaqaalaha ka hadlaya wuxuu yidhi , waxaynu haynaa waa shini , shinidana lama qadhiidho , marka saracu inoo soo baxo , ayaa qadhiidhan doontaane , shinidda ha taabanina .( M I Cigaal )

Markii Madaxda iyo Minjuhu isku meel deggi waayeen , isku Dhakhtar noqon waayeen , isku dabaqad noqon waayeen , ee isku dugsiyo noqon waayeen , ayay is fahmi waayeen ilayn isku aduunba kuma wadda noolee .

Aduunku wuxuu ku nool yahay aragti iyo himilo , waxaana dhisa aragtidda iyo himiladda inta hogaamisa , sidaasina waa sunne alle inoo jideeyay .

Ilaahay baa yidhi , markaa gudataan , waajibkayga cibaado ee aan idinku leeyahay , waan idin janaynayaa , siddaa darteed , Umaddan Somaliland waxay u baahan tahay in loo sameeyo , Itijaah iyo rajo ay ku noolaadaan .

Haa waan ogahay in la shaqaynayo , laakiin waxaa loo baahan yahay wax ka badan shaqo maalmeed , dadku uma noolaaddo maalin dagaal , laakiin Mustaqbal iyo yididiilo ayay u baahan yihiin .

Binu'aadamku noloshiisa oo dhan , wuxuu ka warwaraa Mustaqbalkiisa , Mustaqbalkuna waa muuqaalka qofku ku qiimeeyo noloshiisa , inta qofku mustaqbalkiisa ka webinayo , waano iyo wax sheeg keliya , waxba uma taraan , hadaan la tusin , sawir ka duwan , muuqaalka ka walaaciyey .

Somaliland waxaad moodaa , in Dadka iyo Madaxdeedu is ilowday , kala warhaynta iyo is xog-ogaanshuhuna ku yaraaday , hadaan Siyasiyiintu keenin xiise iyo xamaasad wadaniyadeed , oo dadka ku beerta , qiiro iyo qanaacad nololeed , aafada tahriibka iyo aafooyin badan oo kale oo ay sabbeen , xanuunadda ka dhasha , degenaansha la'aanta nololeed way sii soconayaan .

Waan hubaa inaan Cuduraddda Macaanka iyo dhiig-karku . ka khasaare yarayn , tahriibka , sababta keenaysa weli ma is waydiisay ?

Saaxiibadayda dhakhaatiirta ah baa inoo faahfaahin doona , laakiin , waxaan kusuu gaabinayaa hadalkayga , Noloshu Rajo , Rajaduna waa Nolosha .