Sirdoonka Ruushka Oo Lagu Tuhmayo In Uu Xaday Siro La Xidhiidha Amniga Qaranka Ee Dalka Maraykanka

0
1146

Moosko (Geeska)- Laba wargeys oo ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa baahiyey in sannadkii 2015 ka ay kooxo ka mid ah sirdoonka dhinaca internet ka ee dalka Ruushku ay xadeen siro culus oo ku kaydsanaa kombiyuutarrada aadka loo ilaaliyo ee wakaaladda maniga Qaranka Maraykanka. Wargeyska Wall Street Journal ayaa isaga oo soo xiganaya ilo wareedyo aanu magacaabin sheegay in sirta uu Ruushku xaday ay ku jiraan xogo uu sirdoonka Maraykanku ka helay shabakado Kombiyuutarro dalal shisheeye leeyihiin oo ay u dhaceen. Warbixinta wargeysku waxa ay xatooyadan cusub ku sheegtay tii abid ugu khatarsanayd ee lagu sameeyo siraha amniga qaranka ee dalka Maraykanka.

Wargeyska kale ee Washington Post ayaa isna faafiyey war sheegaya in nin shaqaale u ahaa wakaaladda amniga qaranka ee Maraykanka oo la eryey sannadkii 2015 intii ana la eryin uu xogahan jabsashadooda fududeeyey. Laakiin wakaaladda amniga qaranka ee Maraykanku waxa ay warbaahintii weydiisay u sheegtay in aanay diyaar u ahayn in ay bixiso wax faallo ama hadal ah oo arrintaas la xidhiidha.

Warkan oo aanay weli dawladda Maraykanku si rasmi ah uga hadlin ayaa haddii uu rumoobo waxa uu ku biiri doona liiska siro hore wakaaladda amniga qaranka Maraykanka looga jabsaday, in kasta oo ay qaabkan ka duwanaayeen. Waxaa ka mid ahaa sirihii uu fashiliyey ninkii hore ula shaqayn jiray wakaaladdan ee Edwardo Snowden oo hadda baxsi ku jooga dalka Ruushka. Waxaa isaguna jira nin shaqaale hay’addan ka ahaan jiray oo lagu magacaabo Harold Martin oo ku sugan dalkiisa, kuna socoto dacwad la xidhiidha falka uu ku eedaysanayey ee ah in uu sir oculus oo la xidhiidha wakaaladda amniga Qaranka ee Maraykanka uu u qaatay gurigiisa.

Labada wargeys waxa ay sheegeen in ninka jabsaday xogta ku kaydsanayn kombiyuutarrada ay ku kaydsanayn sirta amniga qaranku uu isticmaalayey barnaamijka Fayraska lagula dagaalamo ee shirkadda Kaspersky.

Shirkadda Kaspersky oo ah shirkad xarunteedu tahay magaalada Mosko ee dalka Ruushka ayaa bishii hore waxsoosaarkeeda laga mamnuucay in lagu isticmaalo kombiyuutarrada xukuumadda Maraykanka. Masuuliyiinta Maraykanku waxa ay shirkadda Kaspersky ku tuhmeen in ay Ruushka ka caawiso hawlaha basaasidda kombiyuutarrada. In kasta oo ay shirkadda Kaspersky warkaas si aad ah isaga fogeysay, kuna dooday in ay ku dhex dhimatay loollan siyaasi ah oo u dhexeeya Ruushka iyo Maraykanka.