Sirdoonka Maraykanka Oo Sheegay In Dunidu Qarka U Saaran Tahay Dagaal Weyne Ka Qarxa Iyo Waxa Ay Ku Sababeeyeen

18
2561

Washington (Geeska)- “Sirdoonka Maraykanka: Dunidu waxa ay qarka u saaran tahay dagaal weyne” waa cinwaanka maqaal uu Sergei Axionov ku qoray wargeyska Svobodnaya Pressa, oo uu kaga faalloonayey korodhka suurtagalnimada dagaal ka dhex qarxa Maraykanka iyo Ruushka, kaddibna Shiinuhu soo galo. “Sannadaha dhow ee foodda innagu soo haya dunidu waxa ay geli doontaa cahdi cusub oo ah tartan caalamiya oo aakhirka keeni kara dagaal weyne caalamiya. Sidaa waxaa ka digay xeeldheereyaasha shirkadda Stratfor oo ah shirkad sirdoon oo Maraykanka laga leeyahay.

Saadaasha ay shirkadda Stratfor samaysay aad ugama duwana saadaasha rasmiga ah ee dawladda Maraykanka. Daniel Coates oo ah agaasimaha sirdoonka qaranka ee dalka Maraykanka ayaa warbixin lagu qiimaynayey khatartaha amni ee dunida maanta ka jira iyo loollanka dawladaha u dheeeya, waa ay ku sheegeen in ay xiisadda siyaasiga ah iyo dareenka amni ee quwadaha waaweyn ee dunida u dhexeeyaa ay marayso halkii ugu sarraysay intii ka dambaysay dagaalkii qaboobaa.

Constantine Blokhin oo ah cilmibaadhe siyaasadeed oo arrimaha Maraykanka u kuurgala, isla markaan ku xeeldheer arrimaha Maraykanka isla markaana ah khabiir ka tirsan xarunta daraasaadka amniga oo hoostagta Akademiyadda cilmiga ee dalka Ruushka ayaa shabakadda wararka ee Svobodnaya Pressa uga warramay sababaha dagaalkan keeni kara, “Marka aynu lafagurno dhaqanka milateri ee Maraykanka, waxaa inoo caddaanaysa in Maraykanku uu weligiiba weerar ku qaado dawladaha uu waxsoosaarkooda gudaha (GDP) iyo guud ahaan awooddoodu ay tobannaan jeer ama xitaa boqollaal jeer ka yar tahay quwadda Maraykanka. Weliba Maraykanku waxa uu dhaqan u leeyahay in aanu dagaalka bilaabin illaa uu marka hore sii daraaseeyo oo hubsado in uu ku guulaysanayo. Sidaa awgeed lagama yaabo in uu weerar dhammaystiran ku qaado Ruushka”

Khabiirka oo faalladiisa sii wada ayaa ku dooday, “Maraykanku Ruushka waa uu ka baqanayaa, laakiin Shiinaha kama baqayo. Maanta waxaa Maraykanka ka soo baxa tobannaan buug, oo arrintaas ka warramaya, waxaana aad uga dhex socda doodo sheegaya in ay lama huraan tahay in dagaal ka dhex qarxo Shiinaha iyo Maraykanka.

Wawxa se ay Maraykanku ogyihiin in dagaalku aanu ku koobnaan doonin Ruushka. Awood kastaa waxa ay ku dhisan tahay laba tiir oo ah dhaqaale iyo cudud ciidan. Maraykanku maanta labadaasba waa uu leeyahay, laakiin labada dal ee ay iska soo horjeedaan midiba tiir ayaa uu ka hayaa labadaa tiir. Ruushku awood ciidan ayaa uu leeyahay, laakiin dhaqaale ahaan ma xoog badna, Shiinuhuna dhaqaale ahaan waa uu xoog badan yahay, laakiin awood ciidan ma’ laha. Marka la eego qaabka doodda sirdoon ee Maraykanku u socoto, Maraykanku marka uu eego labadan dal, waxa uu aaminsan yahay in sida fiicani ay tahay in uu dagaalka kub ilaabo dalka cududda leh oo Ruushka ah, Shiinahana soo dhoweysto, si marka uu Ruushka meesha ka saaro uu bartilmaameedka labaad Shiinaha uga dhigto.

Ruushka oo arrintaas dareensan ayaa mar kasta u diyaar ah in uu Shiinaha la xulafoobo, oo ay is dhammaystiraan, waana sababta ay ugu muuqato in Ruushku hadda kaddib noqon doono waardiyaha gaarka ah ee Shiinaha ilaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here