Siraha Ku Duugan Dabeecadaha Shakhsiga Ah Ee Aadama Iyo Sharraxaadda Culimada Cilminafsiga

0
1394

Hargeysa (Geeska)- Nafta aadamuhu waa bad oo mar kasta oo aad hoos u sii quusto waxa aad arkaysaa siro badan oo hor leh oo ku duugan. Culimada cilminafsiga oo iyagu ah dadka xiiseeyey ama isu xilqaamay in ay ka soo warramaan sirahaas iyo macluumaadkaas aan weligood dhammaanayn ee nafta aadamaha ku saabsan ayaa qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Scop New waxa ay ku sheegayaan toban xogood oo muhiim u ah in aad nafta aadamaha wax badan ka fahanto.

  1. Dabeecadaha fariiddada waxaa ka mid ah saaxiibbo yaraanta:

Xeeldheerayaasha cilminafsigu waxa ay sheegeen in fariidnimadu ay ka mid tahay sababaha qofka ku riixa in aanu saaxiibbo badan yeelan. Qof kastaa qofka uu ka fariidnimo badan yahay ayaa uu kaga fiican yahay xulashada saaxiibbada ay aadka isugu dhowaanayaan. In qofku uu saaxiibbadii isagu xushaana waxa ay ka mid tahay sababa xaddidaya saaxiibbada uu yeelanayo.

  1. Saaxiibka talada badani dhibta ayuu waayo arag u yahay: Haddii aad aragto saaxiib talo badan oo mar kasta jecel in uu talo iyo tusaale kaa siiyo dhib ku haysata, waxa aad ogaataa in uu yahay qof dhib badan oo dhinaca nolosha ah soo maray. Waxa ay culimada cilminafsigu aaminsanyihiin in dadka ay caadada u tahay in ay dadka aad ula taliyaan ay yihiin kuwo iyagu dhibaato badan oo nololeed soo maray.
  2. Dadka dareenkooda qarsada: Haddii aad aragto qof ku dadaalaya ama ay dhaqan u tahay in shucuurtiisa runta ah uu qarsado oo aanay dadku akhrisan, waxa aad ogaataa in yahay qof aad xasaasi u ah dhinaca shucuurta.
  3. Shucuurta ragga iyo dumarka: Inta badan waxaa la aaminaa in dumarku ay ragga ka caadifad iyo shucuur baddan yihiin, laakiin cilmibaadhiso ay sameeyeen khubarada cilminafsigu waxa ay muujiyeen in ragga iyo dumarku ay isku mid ka yihiin, waxa se’ ay ku kala duwan yihiin uu yahay dumarka oo iyagu aan inta badan qarsan shucuurtooda, halka raggu ay jecel yihiin in aanay cidi ka ogaan.
  4. Hurdada: In qofku si raaxo leh u seexdo iyo in uu farxad ku seexdo oo tusaale ahaan hurdada ka hor uu qaato caways qoslaa waxa ay sabab u noqdaan in maskaxdu ay hesho awood ay ku xalin karto mushkiladaha nolosha ee ka hor yimaadda.
  5. Cadhada: Haddii aad aragto qof aad u cadhaysan oo qaylinaya sida ugu fiican ee aad u xasilin kartaa waa in aad ka aamusto oo aanad hadalkiisa ka jawaabin illaa uu degeyo. In aad u jawaabi weydaa waxa ay qayb weyn ka qaadanaysaa in uu dhaqso u cadho-burburo.
  6. Isbed-beddel dhaqso ah: Haddii aad aragto ruux xaaladdiisa nafsiga ahi si dhaqso ah isu rogrogayso, oo farxad iyo haddana murugo dhaqso ah oo ku xigta, qaylo iyo buuq iyo haddana aamusnaan aan sababteeda la garan aad ku aragto, waxa ay culimada cilminafsigu sheegaan in ay sababtu tahay in qofkaasi uu qof ama arrin ka maqan tebayo. Waxaa jira arrin walbahaar ku haysa oo ay u badan tahay in ay tahay ruux uu jecel yahay oo uu waayey ama iskaga tegey.
  7. Qancinta nafta: Xeeldheerayaasha cilminafsigu waxa ay sheegeen in hawsha ugu adag ee ay tahay in qofku naftiisa ku qanciyaa ay tahay in uu nacay qof uu hore u jeclaa oo ka tegey, ama in aanu sidii hore u danaynayn qof, arrin ama shay marka hore ku weynaa oo kadib si aanu ka raalli ahayn uga tegey.